Man United v PSG: Xaqiiqooyin Xiiso Leh Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka Adag Ee Caawa Ka Dhacaya Old Trafford

Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa markii ugu horeysay waxa ay ku kulmayaan wareega 16ka Champions League iyagoo u dagaalamaya inay boos ka helaan wareega sideed dhamaadka.

Inkastoo kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee PSG ayaa wareegaan u soo gudubtay iyagoo kaalinta koowaad ka soo galay Group C, Man United waxa ay kaalinta labaad kaga soo baxday Group H.

Labada kooxoodba niyadjab ay kala kulmeen markii ugu danbeysay ee ay ka ciyaaraan wareega 16ka. United ma aysan gaarin wareega sideed dhamaadka tan iyo xilli ciyaareedkii 2013-14, halka PSG ay labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ay ku hartay gacmaha Barcelona iyo Real Madrid.

Waa markii 11aad ee ay Man United ka qeyb gasho wareega 16ka Champions League, lix jeer waa ay ka soo baxday, afar jeerna waa lagu reebay.

Xilli ciyaareedkii 2017-18 United waxa ay lugtii hore barbaro la gashay Sevilla laakiin lugtii labaad waxaa looga badiyay gurigooda natiijo 2-1 ah. Waxa ay taasi soo gabagabeysay 21 kulan oo Yurub ah oo aan looga badinin Old Trafford.

Kooxda Red Devils waxa ay badisay lix ka mid ah todobadii jeer ee wareega kala baxa ay isku arkeen kooxaha Faransiiska. Solskjaer ayaa shabaqa soo taabtay kulanka kaliya ee laga badiyay markii ay la ciyaarayeen Monaco xilli ciyaareedkii 1997-98 wareega sideed dhamaadka Champions League (0-0 marti, 1-1 minan).

Xilli dhaweyd United waxa ay ka badisay kooxda Faransiiska ee St-Etienne wareega 32da ee koobkii ay ku guuleysteen ee Europa League xilli ciyaareedkii 2016-17 iyagoo gurigooda ku badiyay 3-0 islamarkaana 1-0 ku soo badiyay France.

Waxaana ay taasi ka dhigtay in markii seddexaad ee isku xigta ay kooxaha Faransiiska minan iyo martiba garaacaan. Waligeed koox Faransiis ah kagama aysan badinin gurigooda, rikoorkooduna waa 10 guul iyo seddex barbaro.

Waa xilli ciyaareedkii 7aad oo isku xigta oo ay PSG ka ciyaareyso Champions League, waxaana ay mar walba gaarayeen wareega 16ka inkastoo aysan weli barbareynin markoodii ay ugu fiicnaayeen ee xilli ciyaareedkii 1994-95 oo ay gaareen semi-finalka.

Ka dib markii ay afar jeer oo isku xigta ka soo muuqdeen wareega sideed dhamaadka intii u dhaxeysay 2013 iyo 2016, PSG waxaa lagu reebay wareega 16ka labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay.

Xilli ciyaareedkii 2017-18 waxaa wadar ahaan labada lug 5-2 kaga badisay Real Madrid, 12 bilood oo ka sii horeysayna waxay u muuqdeen kuwa wareega sideed dhamaadka u soo gubaya markii ay 4-0 ku garaaceen Barcelona kulankii lugta hore ee Parc des Princes ka dhacay laakiin 6-1 ayaa looga badiyay kulankii lugta labaad ee Spain taasoo ka dhigtay rikoorka soo laabashadii ugu weyneyd ee Champions League.

PSG ayaa badisay seddex ka mid ah lix wareeg oo kala bax ah oo ay la ciyaareen kooxaha Premier League inkastoo kuwii ugu dnabeysay ay guuldarro ka soo gaartay Manchester City xilli ciyaareedkii 2015-216.

Kooxda Faransiiska labo jeer ayay wareega 16ka Champions League ku garaacday koox Ingariis ah, labada jeerna waxa ay ka soo baxeen Chelsea xilli ciyaareedkii 2014-15 iyo xilli ciyaareedkii 2015-16.

PSG waxaa durbaba lagu garaacay carada England xilli ciyaareedkan markii ay guuldarro 3-2 ka  soo gaartay Liverpool kulankoodii ugu horeysay ee wareega group-yada.

Guushii ay 2016 ku gaareecn garoonka Chelsea waxa ay aheyd guusha kaliya ee ay PSG carada England ku gaartay, rikoorkooda kale ee carada England waa sidaan: afar barbaro, shan guuldarro.

Xiddig labada kooxood u dheelay:

Ángel Di María ayaa xilli ciyaareedkii 2014-15 waxa uu ku qaatay Man United isagoo u dhaliyay seddex gool 27 kulan oo Premier League uu u saftay ka hor inta uusan ku biirin PSG.

Xiddigaha kale ee England ka ciyaaray ee PSG

Eric-Maxim Choupo-Moting (Stoke 2017/18)
Lassana Diarra (Chelsea 2005–07, Arsenal 2007/08, Portsmouth 2008/09)

Xiddigaha France ka ciyaaray ee Man United

Anthony Martial (Lyon 2012/13, Monaco 2013–15)
Sergio Romero (Monaco 2013/14)

Xiddigaha isla soo ciyaaray ee labada kooxood:

Paul Pogba & Gianluigi Buffon (Juventus 2012–16)
Alexis Sánchez & Dani Alves (Barcelona, 2011–14)
Alexis Sánchez & Neymar (Barcelona, 2013/14)
Anthony Martial & Layvin Kurzawa (Monaco, 2013–15)
Sergio Romero & Layvin Kurzawa (Monaco 2013/14)

Xiddigaha isku xulka ah ee labada kooxood:

Matteo Darmian & Gianluigi Buffon, Marco Verratti (Italy)
Paul Pogba, Anthony Martial & Alphonse Areola, Pascal Kimpembe, Layvin Kurzawa, Lassana Diarra, Adrien Rabiot, Kylian Mbappé (France)
Fred & Thiago Silva, Marquinhos, Dani Alves, Neymar (Brazil)
Romelu Lukaku & Thomas Meunier (Belgium)
David de Gea, Juan Mata, Ander Herrera & Juan Bernat (Spain)
Sergio Romero, Marcos Rojo & Ángel Di María, Leandro Paredes (Argentina)

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*