Kahor Kulanka Old Trafford Ee Caawa, Tababare Thomas Tuchel Oo Tilmaamay LABADA Xiddig Ee Man United Ka Tirsan Ee Halista Ugu Weyn Ku Ah Kooxdiisa PSG.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa kahor kulanka weyn ee ay caawa martida ku yihiin gegida Old Trafford tilmaamay laba xiddig oo Manchester United ka tirsan kuwaas oo hadimada ugu badan ku abuuri kara kooxdiisa.

Manchester ayaa wacdarro ku samaynaysa maamulka tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo bishii December xilka kala wareegay tababare Jose Mourinho waxaana uu ilaa haatan lasoo gaadhay 10 guulood 11 kulan oo uu lay-liyay isaga oo sidoo kale kusoo celiyay kaalmaha afarta sarre.

Haddaba, Tababare Tuchel ayaa calaamadiyay xiddigaha kala ah Paul Pogba iyo Anthony Martial oo uu u arko kuwa ugu halista badan ee kooxda ay caawa martida ugu noqon doonaan Old Trafford isaga oo si khaas ah u amaanay Pogba.

Tuchel ayaa yidhi “Hagaag, Ma filayo inuu jiro wax layaab ah oo ku saabsan in Paul Pogba uu ahaado ciyaartoy fure ah”

“Waxa uu leeyahay tayooyin cajiib ah, Waxa uu samayn karaa waxyaabo badan, Waa mid si aan caadi ahayn u xoogan, Marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto isagu waa mid aad u wanaagsan, Mid aad ugu xoogan loolamada iyo kuwa hal ka halka ah”

“Isaga oo dadka tusaya inuu markasta awoodo inuu sameeyo kala duwanaansho, Waxaan filayaa aragtidayda inuu markasta halis ku ahaa weerarka marka uu la jiro Martial, Iyagu waa laba aad u halis badan”

Man Utd news: PSG boss Thomas Tuchel pinpoints the TWO stars he is scared of most

“Pogba waa mid halis ku ah xerada ganaaxa sidoo kale marka ay kubaddu ka timaado midigta ee uu soo gaadho wakhtiga saxda ah, Isagu waxa uu mid si fiican u madaxeeya ku yahay kubadda”

“Hubaashii ciyaartoy muhiim ah, Waxaana uu haatan noqonayaa hoggaamiye, Wuu jecel yahay u ciyaarista kooxdan”

Ugu dambayn, Wakhtigii la sameeyay isku aadka dad badan oo ay kamid yihiin ciyaartoyda PSG ayaa aaminsanaa inay si fudud ku gaadheen wareega xiga balse xaalada ayaa is bedeshay mudadaas waxaana sidaas qirtay ciyaartoy uu ugu horreeyo goolhaye Buffon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*