Ma Mesut Ozil Ayay Sidani U Dambaysay? Arsenal Oo Qiimo Jaban Saxeexa Ozil Ugu Bandhigtay Laba Kooxood & Jawaab Naxdin Leh Oo Ay Heleen.

Mustaqbalka kooxda Arsenal uu ku leeyahay Mesut Ozil ayaa ah mid ay si joogto ah su’aali uga taagantahay iyadoo kubad sameeyaha ree Germany uusan haba yaraatee wax door ah ku lahayn kooxda tababare Unai Emery ee haatan.

Tababaraha ree Spain ayaa doonaya inuu Ozil gabi ahaanba ka diro kooxda suuqa xagaaga si uu u kordhiyo lacagaha uu suuqa ku galayo xilli suuqaas.

Mushaharka toddobaadlaha ah ee Mesut Ozil ee dhan £350,000 kun oo ah heshiiskii uu saxeexay horraanta sanadkii 2018 ayaa ah midka sii wada dhibaatada Ozil iyo inuu adkeeyo heshiiska uu ama kooxdiisa kula soo joogi lahaa amaba ay koox kale kula saxeexan lahayd.

Aan ku bilawnee sida laga soo xiganayo warbaahinta Talyaaniga, Inter Milan ayaa iska diiday heshiis ay Arsenal ugu bandhigtay Mesut oo waliba ahaa mid qiime ahaan sidii la filayay ka jaban.

Inter ayaa ah koox mudo bilo ah lala xidhiidhinayay Ozil waxaana isku day ku samaysay inay xidhiidhkaas ka faa’idaysato Arsenal oo aan doonayn in xiddigani uu xagaaga dambe la dhaafo kooxdeeda.

Si kastaba, Madaxda kooxda Inter ayaan wax xiiso ah haatan u qabin inay Ozil qaataan xataa haddiiba ay Arsenal si weyn hoos ugu dhigayso qiimaha ay ku fasaxayso sababtoo ah bandhigyadiisa aadka u niyad jabka badan.

Dhinaca kale, Sida uu ku warramayo wargeyska Calciomercato Arsenal ayaa sidoo kale dalab u geysay kooxda Juventus balse si lamid ah Inter, Kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ayaa sidoo kale Gunners u qeexay inaysan wax xiiso ah u qabin Ozil.

Si kastaba ha ahaatee, Warkan ayaa ah mid Ozil ka dhigaya mid aan laga doonayn kooxdiisa oo ilaa haatan 18 Milyan oo mushahar ah siisay tan iyo markii uu heshiiska cusboonaysiiyay January 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*