PREMIER LEAGUE: Liverpool Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaadhay Bournemouth Hoggaankana Dib Usoo Ceshatay & Arsenal Oo Guul Muhiim Ah Kasoo Heshay Huddersfield.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa guul ka kala gaadhay Huddersfeld iyo Bournemouth sida ay u kala horreeyaan iyaga oo soo qaatay min saddexda dhibcood ee kulamadaas.

Liverpool ayaa kusoo laabatay hoggaanka horyaalka iyaga oo 3-0 kaddib goolal ka kala yimid Mane, Wijnaldum iyo Mohamed Salah.

Dhinaca kale Arsenal ayaa 1-2 kaga soo talaabsatay Huddersfield waxaana guushan usoo hor seeday Alex Iwobi iyo Alexandre Lacazette halka goolka Huddersfield uu iska dhaliyay Kolasinac.

Kulanka Liverpool v Bournemouth

Shaxahii Kulankan Ee Labada Kooxood:

Liverpool XI: Alisson, Milner, Matip, Van Dijk, Robertson, Wijnaldum, Fabinho, Keita, Mané, Salah, Firmino.

Keydka: Mignolet, Henderson, Sturridge, Lallana, Origi, Camacho, Alexander-Arnold

Bournemouth XI: Boruc, Cook, Ake, Rico, Smith, Lerma, Gosling, Surman, Ibe, King, Fraser.

Falanqaynta Kulanka:

Labada kooxood ayaa qaab weerar ku bilawday, Fraser ayaa ugu horraynba goolhaye Alisson beegsaday walow uu dhaafin kari waayay halka Mohamed Salah iyo Roberto Firmino ay darbado ku garaaceen goolhaye Boruc.

GOOAL: Liverpool ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana kulanka daah furay Mane oo si cajiib ah goolka Bourenmouth u dhex dhigay gool madax ah oo uu caawintiisa lahaa Milner.

Intaa kaddib Liverpool ayaa kulanka u bedeshay kubad haysasho waxaana ay si habsami leh u maamulayeen kulanka iyaga oo kooxda kasoo horjeeday kubadda ka ilaashaday.

GOOAL: Markale Reds, Kooxda Jurgen Klopp ayaa goolka labaad ee kulanka la timid, Wijnaldum oo kulankan kusoo laabtay shaxda kooxdiisa ayaa dhammaystiray caawin uga timid Andrew Robertson.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay 2-0 ay hoggaanka ku haysay kooxda Liverpool, Qaybtan ayaa ahayd mid ay kooxda Klopp maamulkeeda si dhammaystiray u haysatay.

GOOAL: Liverpool ayaa gool lasoo laabatay qaybta dambe ee kulanka Mohamed Salah ayaana dhammaystiray gool uu caawintiisa lahaa Firmino oo goolhaye Boruc kubadda si toos ah ugu hor dhigay isagoo Salah aan wax wakhti ah ku lumin inuu kubadda shabaqa dhigo.

Mane ayaa ku dhawaaday inuu ciyaarta ka dhigo 4-0 balse kubadda uu madaxeeyay ayaa wax yar u martay birta goolka.

Ugu dambayn, Kulanka ayaa kusoo dhammaaday guul 3-0 ah oo ay gaadhay kooxda tababare Jurgen Klopp ee Liverpool oo hoggaanka PL kusoo laabatay.

Kulanka Huddersfield v Arsenal

Shaxihii Kulankan Ee Labada Kooxood:

Huddersfield: Hamer, Smith, Kongolo, Jorgensen, Schindler, Bacuna, Diakhaby, Hogg, , Mooy, Puncheon, Kachunga.

Keydka: Subs: Billing, Coleman, Ahearne-Grant, Depoitre, Pritchard, Stankovic, Durm

Arsenal: Leno, Maitland-Niles, Mustafi, Koscielny, Monreal, Guendouzi, Torreira, Iwobi, Mkhitaryan, Kolasinac, Lacazette.

Falanqaynta Kulanka:

Arsenal ayaa kulanka kulanka qaab cajiib ah ku furatay, Lacazette ayaa daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta kubad ka helay Iwobi, Xiddiga ree France ayaa kubadda si xoogan ugu laagay goolka Huddersfield balse isku daygiisa ayaa hareer maray goolka walow uu aad u dhawaa.

GOOAL: Alex Iwobi ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, Xiddiga ree Nigeria ayaa kubad sarre ka helay Kolasinac waxaana uu si toos ah kubadda oo aan dhulka taaban ugu darbeeyay goolka.

Intaa kaddib Huddersfield ayaa markeeda weerar soo qaaday, Aaron Mooy ayaa isku dayay inuu goolka bar-bardhaca u keeno kooxdiisa isaga oo darbad ku laagay goolka Leno walow uu kubadda dhinac mariyay goolka.

GOOAL: Lacazette ayaa kooxdiisa Arsenal kulanka uga dhigay 2-0 isaga oo dhammaystiray caawin ka timid Maitland-Niles oo kubad farsamo leh afka hore ee goolka soo dhigay.

Qaybta hore ayaa kusoo dhammaatay hoggaan 0-2 ah oo ay lahayd kooxda tababare Unai Emery waxaana ay ka faa’idaysteen kala daadsanaanta Huddersfield.

Juninho Bacuna ayaa kasoo laabashada qaybta dambe isku dayay inuu gool usoo celiyo kooxdiisa isaga oo meel diilinta ganaaxa ka baxsan kasoo tuuray kubadda balse goolhaye Leno ayaa ku guuleystay inuu la tacaalo halista Bacuna.

Markale Huddersfield, Kooxda martida loo ahaa ayaa halis kale abuurtay, Adama Diakhaby ayaa fursad u haystay inuu si fudud ku gaadho goolka Arsenal balse laagiisa oo noqday mid sahlan darteed ayuu goolhaye Bernd Leno kubadda si fudud ku qabsaday.

GOOAL: Ugu dambayn, Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka ayuu gool si qaldan iskaga dhaliyay Saed Kolasinac kaas oo shabaqii nadiifta ahaa ka wasakheeyay goolhaye Leno.

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*