TOP 10: Liiska Tobbanka Ciyaartoy Ee Bishii Mushaharka Ugu Badan Hela Oo Lasoo Saaray, Lionel Messi Oo Cidla Kaga Tagay Cristiano Ronaldo & Xiddigaha Kaalmaha Kale Ku Jira.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi waa ciyaartoyga ugu mushaharka badan dunida kubadda cagta isaga oo si layaab leh mushahar badan uga horreeya Cristiano Ronaldo midka uu haatan Juventus ka qaato.

Wargeyska ree France ee L’Equipe ayaa soo saaray warbixintiisa sanadlaha ah ee mushaharaadka ciyaartoyda ee bilaha ah waliba inta aan laga reebin canshuuraha kala duwan.

10-ka ciyaartoy ee wargeysku xusay isla markaana warbixinta ka muuqda ayay shan kamid ahi ka ciyaaraan horyaalka Spain ee La Liga halka min laba ciyaartoy ay horyaalka France ee Ligue 1 ka tirsan yihiin iyo hal ciyaartoy oo Serie A-da Talyaaniga matalaya.

Ma aha wax sir ah in wakhtigan casriga ah ay ciyaartoyda kubadda cagtu mushahar waali ah qaataan balse Lionel Messi ayaa bishii hela £7.3 Milyan canshuurta kahor waana qiime xataa waali ku ah heerka ciyaartoyga.

Hoggaamiyaha Barca ayaa heshiis cusub saxeexay 2017 kaas oo geeyay halka ugu sarreysa ee mushahar bixinta waana mida ka dhigtay inuu tartankan ku garaaco ciyaartoyga ay mudada dheer soo xifaaltamayeen ee Ronaldo oo isagu bishii hela £4.1 Milyan canshuurta kahor.

Waxa si layaab leh booska saddexaad usoo galay weeraryahanka Atletico Madrid ee Antoine Greizmann kaas oo isagu bishii hela £2.9 Milyan waana mushaharka uu ku helo heshiiskii caanka ahaa ee uu Koobkii Aduunka kahor u saxeexay kooxdiisa.

Xiddiga PSG ee Neymar ayaa liiska kaalinta afraad kasoo galay waxaana uu helaa £2.7m Milyan halka Luis Suarez oo Barcelona ka tirsan uu dhammaystiray liiska shanta sarre waxaana uu qaataa £2.5m canshuur la’aan ah bishii.

Gareth Bale oo Real Madrid ka hela £2.2 Milyan canshuur la’aan ah bishii, Coutinho iyo Sanchez oo min £2.m ka hela Barcelona iyo Man United, Kylian Mbappe oo £1.5m iyo waliba Mesut Ozil oo Arsenal ka xoogsada £1.4m ayaa liiska soo dhammaystiray.

Halkan Kaga Boggo Tobbanka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Sarreeya Bishii:

1. Lionel Messi – £7.3million

2. Cristiano Ronaldo – £4.1million

3. Antoine Griezmann – £2.9million

4. Neymar – £2.7million

5. Luis Suarez – £2.5million

6. Gareth Bale – £2.2million

7. Philippe Coutinho – £2million

8. Alexis Sanchez – £2million

9. Kylian Mbappe – £1.5million

10. Mesut Ozil – £1.4million

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*