Chelsea Oo Ka Faa’idaysa Qaab Ciyaareedka Xun Ee Philippe Coutinho Kusoo Bandhigayo Barcelona & Bedelka Ugu Haboon Ee Eden Hazard Oo Ay U Arkaan.

Kooxda horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa u muuqata mid ugu dambayn arkootay xiddiga ay doonayso inay bedelka uga dhigto xiddiga ugu muhiimsan kooxdeeda ee Eden Hazard oo u muuqda mid baxsan ah isla markaana sii jeeda.

Haddiiba uu Hazard ka tago Stamford Bridge, Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa bedelkiisa u doonaya xiddiga Barcelona ee Philippe Coutinho si uu bedel ugu noqdo sida laga soo xiganayo wargeyska Independent.

Chelsea ayaa xilli horeba lasoo saxeexatay garabka kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic balse waxa balse waxa ay doonayaan inay badh kamid ah qarashaadkooda suuqa Barca kaga soo hoos xadaan Coutinho.

Real Madrid ayaa ah kooxda inta ugu badan doonaysa Hazard balse ma bixin doonaan lacagta ay Chelsea dalbanayso ee 250-ka Milyan ah balse waxa ay doonayaan inay heshiis kale la gaadhaan kooxda maadaama oo qandaraaskiisu dhacayo 2020 isla markaana ay 100 Milyan ku helaan.

Taa bedelkeeda, Xiddiga ugu qaalisan taariikhda Barcelona ee Coutinho ayaan samaynayn bandhigii ay ka doonayeen  waxaana uu mid kamid ah bandhigyadiisii ugu liitay tan iyo kusoo biiristiisa kooxda soo sameeyay kulankii Classico ee dhacay xalay.

Malcom ayaa ahaa doorashada layaabka leh ee kulankaas uu Ernesto Valverde soo sameeyay waxaana uu sameeyay bandhig ka wanaagsan midkii Coutinho.

Chelsea ayay dhibaato ku noqonaysaa inay weydo Hazard balse waxa ay markasta maanka ku hayaan bandhigii wanaagsanaa ee uu Coutinho kusoo sameeyay Liverpool iyo Premier League iyaga oo aaminsan inuu saxeex fiican noqon karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*