Warkii Ay AS & Mundo Deportivo Ka Baahiyeen Qorshaha Xuruufta Chinese-ka Ee Barcelona Ka Hor Kulanka El-Clasico Oo Beenoobay.

Barcelona ayaa sidii ay rajeyneysay hirgalisay qorshahii ay ka damacsaneyd kulanka El-Clasico kaas oo ahaa iney dadyowga Shiinaha ku sharafto maaliyadeeda si ay ula xusto sanadkooda cusub oo u bilaabanaya isbuucaan.

Qorshahaan oo ay kooxda reer Catalonia ku daabacday baraha bulshada ayaa shaki la galiyay inyar ka hor kulanka iyadoo shabakadda magaalada Madrid laga leeyahay ee AS ay baahisay in xiriirka kubadda cagta Spain ay arrintaan hor istaageen.

Shabakadda waxey xiganeysay barta twitter-ka wargeyska Mundo Deportivo oo isna sii xiganaya idaacadda Radio Catalunya, waxeyna sheekada noqotay mid aan rumoobin, maadaama kooxda reer Catalan ay isticmaashay maaliyadahii ay qorsheeyeen.

“Sida ay sheegtay CatalunyaRadio, iyadoo ay xaqiiqo tahay in Barcelona ay sawirada iyo muuqaalka qorshaha ah iney magacyada ciyaartoyda si xuruufo Chinese ah ugu qorto maaliyadeeda, hadana xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ka hor istaagay iney maaliyadooda xuruufo Chinese ah uga qoraan dhabarka dambe” ayuu u qornaa qoraal Mundo Deportivo ay soo dhigta twitter-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona wey ku ciyaareysaa maaliyadahii ay maanta soo bandhigeen, mana rumoobin sheekadii ay si wadajir ah u baaiyeen Catalunya Radio, Mundo Deportivo iyo AS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*