DEG-DEG: Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo Barcelona Ka Mamnuucay Qorshe Ay Ka Damacsaneed Kulanka El-Clasico.

Barcelona ayaa rajeyneysay iney qorshe macquul ah ka hirgaliso kulanka El-Clasico ee caawa si ay u waji uga sameysato dadyowga reer China, balse nasiib xumo qorshahaas waxaa dhexda u galay oo mamnuucay xiriirka kubadda cagta wadanka Spain.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ayaa dooneysay iney xuruufo Chinese ah adeegsado kulanka caawa si ay u xusto sanadka cusub ee dadkaas, waxaana la diyaariyay qorshe macquul ah oo lagu doonayay in magacyada ciyaartoyda oo Chinese ah lagu daabaco maaliyadda ay ku ciyaarayaan kulanka caawa.

Qorshaha oo maanta goor hore lagu baahiyay baraha bulshada ayaa ahaa in magacyada Latin-ka ee ciyaartoyda lagu hoos qoro xuruuf Chinese ah oo u dhigma magaca ciyaartoyda lagana sara-mariyo lambarka ciyaartoyda.

Ujeedka ugu weyn ee ay Barcelona sidaas u sameyneyso waxey tahay iney dadka reer China kula dabaal dagto sanadkooda cusub oo isbuucaan bilaabanaya.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo, aragtida ay keentay Barcelona waxaa diiday oo hor istaagay xiriirka kubadda cagta Spain (RFEF) kuwaas oo masuul ka ah ciyaaraha kubadda cagta wadankaas.

Sida lagu daabacay shabakadda AS – Barcelona uma muuqato iney caawa adeegsan doonto xuruuf Chinese ah kulanka El-Clasico.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*