BOQORADA YURUB: Kadib Guuldaradii Xalay Soo Gaadhay Paris Saint-Germain, Juventus Oo Noqday Kooxda Kaliya Ee Aan Ilaa Hadda Guuldaraysan Kulan Horyaal Ah Ee Shanta Ugu Waa Wayn.

Kooxaha Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa ahaa labada kooxood ee kaliya ee aan wax guuldaro ah kula soo kulmin xili ciyaareedkan horyaalada ay ka ciyaaraan laakiin xalay waxaa la soo gaba gabeeyay rekoodhkii guuldaro la’aanta kooxda Paris Saint-Germain kadib markii ay kooxda Olympique Lyonnais noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan guuldaro PSG ku baday horyaalka Ligue 1.

PSG ayaa haddaba u soo dhibtootay xidiga dhaawaca kaga maqan ee Neymar Jr kaas oo seegaya kulamo badan oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin labada kulan ee Manchester United ee Champions League waxayna xalay Olympique Lyonnais muujisay in PSG ay tahay koox ka liidata marka uu Neymar ka maqan yahay.

Laakiin guuldarada PSG soo gaadhay waxay Juventus ka dhigtay kooxda kaliya ee aan xili ciyaareedkan ilaa hadda wax guuldaro ah ku soo arag shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn waxayna hadda sidaa ku tahay kooxda boqorada Yurub.

Kooxaha Liverpool, Manchester City, Borussia Dormund, PSG iyo Juventus ayaa waqti ahaa kooxaha Yurub ku hogaaminayay guuldaro la’aanta laakiin sidii hadba koox lugta looga qabanayay waxaa isku soo hadhay PSG iyo Juventus iyada oo xalay PSG lagu garaacay 2-1 ah si ay Juventus u noqoto kooxda kaliya ee aan guuldaro xili ciyaareedkan ku arag kulan horyaal ah.

Liverpool ayaa hal kulan soo guuldaraysatay xili ciyaareedkan halka Borussia Dotmund ay sidoo akle hal kulan oo kaliya soo guuldaraysatay waxaana kooxaha min halka kulan guuldaraysatay ku biirtay PSG oo ka baxday guuldaro la’aantii.

Sidaa daraadeed, kooxda Juventus oo xili ciyaareedkan guud ahaan ay soo gaadheen laba guuldaro oo Champions League iyo Copa Italia ah ayaan wali guuldaro la kulmin kulan Serie A ah inkasta oo ay Man United iyo Atalanta kala kuluntay guuldarooyin tartamada kale ah.

Inkasta oo ayna Juventus bandhigo fiican soo muujin kulamadii  Lazio iyo Parma, waxay haddana wali sii ahaan doontaa kooxda kaliya ee shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn aan wali guuldaraysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*