LAMA FILAAN: Maxaa Iska Soo Galay Paul Pogba & Mohamed Salah? Sawir Uu Pogba Soo Dhigay Baraha Bulshada Oo Dunida Kubadda Cagta Ruxay & Fal-Celinta Jamaahiirta.

Xiddiga kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka sawir uu kula jiro xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah sawirkaasina ma noqon mid ay jeclaysteen jamaahiirta United.

Xiddiga ree France ayaa soo bandhigay laba sawir oo ay wadaageen xiddiga ree Masar isaga oo sawirka hore kusoo qoray “Wax la qorshaynaya boqorka Masar” walow uu markiiba sawirkaas masaxay.

Markale Paul ayaa si caadi ah usoo daabacay sawirka isaga oo soo raaciyay qoraal tix raaceedka #DareToCreate isaga oo tilmaamaya in sawirku uu qayb ka yahay ganacsiga ay isaga iyo Mohamed kula jiraan shirkada Adidas.

Si kastaba, Qaar kamid ah jamaahiirta Red Devils ayaan si wanaagsan uga fal celin bandhiga Paul iyaga oo diiday in xiddigoodu uu saaxiibtinimo la muujiyo ciyaartoyga ugu wanaagsan ee kooxda ay inta ugu badan cadawga isku yihiin.

Halkan Kaga Boggo Fal-Celinta Jamaahiirta Diiday Wada Jirka Paul Iyo Salah.

Taageera ayaa soo qoray “Waa cadawgii, Ha iloobin inaad isaga wax kusoo samayso”

Mid kale ayaa soo qaatay sawirka Gary Neville oo ku qaylinaya Jamie Carragher ee wakhtigii ay halyeeyada labada dhinac ciyaari jireen isaga oo kusoo qoray “Tani waa sida ay tahay in ciyaartoyda United ula dhaqmaan ciyaartoyda Liverpool”.

Taageere saddexaad ayaa ku daray “Waxan wax ka fiican ayaa kaa rajaynayay”

Halka uu taageeraha afraad yidhi “Pogba oo taageerehiisa la jooga”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*