Bayern Munich Oo Muujinaysa Sida Ay Ugu Waalanayso Da’yarka Chelsea Ee Callum Hudson-Odoi, Blues Oo Dalabkii Afraad Diiday & Kala Duwanaanshaha Dalabaadka Laga Diiday Bavaria.

Kooxda ree Germany ee Bayern Munich ayaan qarsan dida weyn ee ay u qiimaynayso da’yarka kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi kaddib afar dalab oo kala horumarsan oo ay kasoo gudbiyeen 18-jirkan mustaqbalka ifaya leh.

Hudson-Odoi qudhiisa ayaa markii hore doonayay bixitaan iyo inuu ku biiro Bayern si uu wakhti ciyaareed uga helo halkaas isaga oo xataa warqada codsiga bixitaankiisa u gudbiyay maamulka sarre ee kooxdiisa balse Sky Sports ayaa soo tabinaya inuu go’aankiisa bedelay.

Odoi ayaa go’aansaday inuu baaqi kusii ahaado Stamford Bridge inta xilli ciyaareedka ka dhiman isaga oo go’aansan doona haddii uu qandaraas cusub u saxeexayo Chelsea iyo haddii uu xagaaga si xor ah kaga baxayo.

Bayern ayaa afar dalab ku muujisay muhiimada weyn ee uu da’yarkani u leeyahay, Dalabka koowaad isla markaana ugu horreeyay ee ay soo gaadhsiiyay Chelsea ayaa ahaa mid dhan 30 Milyan halka dalabka labaad uu laba Milyan horumarsanaa oo uu dhammaa 32 Milyan.

Kaddib in Chelsea ay dalabaadkaas hore kaga jawaabtay diidmo qayaxan ayay markale Munich soo dirtay dslab 35 Milyan ah balse Blues ayaan halkoodii kasoo dhaqaaqin.

Dalabka ugu dambeeyay ayaa ahaa midka ay Chelsea dhawaan diiday oo 40 Milyan ahaa waana dalab la filayo inuu quus u noqdo kooxda ree Germany.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*