Tani Caddayn Ma U Tahay In Arsenal Ay Ku Dhawdahay Saxeexa Ivan Perisic? Inter Milan Oo Talaabo Xan Xoogan Dhalisay Qaaday.

Kooxda Arsenal ayaa kamid noqotay murshaxiinta diyaarka u ah saxeexa xiddiga Inter Milan ee Ivan Perisic iyadoo kooxdiisa qudheedu ay diyaar u tahay inay ku iibiso qiime dhan  35 Milyan oo ah inta ay ku doonayso.

Arsenal ayaa gabi ahaanba xadiday dhaqaalaha ay bishan January ku bixinayso suuqa waxaana ay doonayaan inay heshiis amaah ah marka hore la gaadhaan kooxda ree Talyaani.

Haddaba, Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa banaanka keenay xog cusub oo caddayn u ah in Perisic kusii dhawaanayo inuu Inter ka baxo kaddib markii tababare Luciano Spalletti uu go’aansaday inuu ka reebo liiska xiddigaha uu u wadanayo kulanka Torino ee maanta.

Xiddiga ree Croatia ayaa halkiisa kasii wadi doona qorshaynta mustaqbalkiisa marka ay xiddigaha kale ee kooxdu ku hawlan yihiin kulanka Torino waana markii ugu horreysay ee uu Spalletti safkiisa ka reebo xilli ciyaareedkan Ivan.

Qorshaha iyo aragtida Arsenal ee Perisic ee ah inay marka hore qaab amaah ah kusoo qaataan ayay gabi ahaanba diiday Inter, Kooxda ayaa doonaysa inay si rasmi ah u iibiso 29 jirkan waana mid ka dhigaysa xiisaha Gunners mid aan la balanqaadi karin haddii ay si rasmi ah u iibsanayaan.

Gazzetta dello Sport ayaa intaa ku daraya inaysan wali jirin wax wadahadalo ah oo heer fiican gaadhsiisan balse ka maqnaanshaha Perisic ee safka Torino ayaa muujinaya in mustaqbalkiisa yahay mid cirka ku shareeran.

Dhawaan ayay ahayd markii tababare Spalletti qudhiisu uu si cad saxaafada uga hor sheegay in xiddigiisu uu kooxda kaga bixi doono kaliya marka laga bixiyo qiimaha dul yaala.

Iyadoo wali Emery sii wadi doono xiisaha Perisic hadana waxa uu dookh kale u haystaa inuu u dhaqaaqo xiddigaha Barcelona ee Malcom iyo Denis Suarez.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*