Guuldaradii Leganes Ee Xalay Oo Sababtay In Real Madrid Loo Diiwaangaliyo Rikoor Xun Oo Aan Soo Marin 20-Sanadodo – Maxaase Laga Sheegay Daafaca Los Blancos?

Real Madrid ayaa xalay guuldaro aan kuleyl badan laheyn kala kulantay kooxda Leganes maadaama aysan ka hor istaagin iney u gudbaan wareega xiga ee Copa del Rey, balse wixiiq qabsaday waxey dib u xasuusinayaan waqtigii uu Guud Hiddink kooxda maamulkeeda yahay.

Guuldaradii xalay waxey aheyd middii 10-aad ee soo gaarta Madrid fasalkaan dhamaan tartamada oo dhan, iney dhibaatadaan ku dhacdo waxaa ugu dambeysay fasalkii 1998/99, waana dhamaadkii qarnigii laga soo gudbay.

Real Madrid ilaa iyo hadda waxey dhamaan tartamada oo dhan ciyaareen 32-kulan fasalkaan mana ahan wax la aqbali karo iney 10-ka mid ah guuldaro la kulmeen.

Intaas waxaa sii dheer in 8-ka mid ah kulamadaas ay ku fashilantay Los Blancos iney xitaa hal gool dhaliyaan, waxaana ku fashilmeen iney shabaqooda difaacdaan 20-ka mid ah kulamadooda.

Fasalkii lasoo dhaafay Real Madrid waxey ciyaartan 62-kulan dhamaan tartamada oo dhan, 39-ka mid ah wey guuleysteen, 14-barbaro iyo 9-guukdaro ayey qaateen, hadana 10-guuldaro ayey sii marayaan iyadoo la joogo bartamaha fasalka.

Kooxda Real Madrid waa mid ka mid ah kooxaha ugu difaaca xun fasalkaan kooxaha La Liga iyadoo la qiimeynayo kulamada ay tartamada oo dhan ciyaareen, 37-gool ayaa shabaqooda la taabsiiyay waxeyna la mid yahiin Levante iyo Rayo Vallecano, kaliya Huesca oo 44-gool laga dhaliyay ayaa ka badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*