Kooxda Barcelona Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Wararka Xanta Ah Ee Mar Walba La Xiriirinaya Neymar Junior.

Barcelona ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka xanta ah ee la xiriirinaya xiddiga reer Brazil Neymar Junior, macalinka kooxda Ernesto Valverde ayaana been abuur ku tilmaamay in kooxdiisa ay damacsan tahay dib usoo celinta xidigii laba sano ka hor ka dhaqaaqay.

Xiddigaan reer Brazil ayaa isaga dhaqaaqay Balaugrana bartamahii 2017, wuxuuna markaas noqday kan ugu qaalisan adduunka isagoo ku tagay garoonka Parc des Princess lacag dhan 222 Malyan oo Yuuro.

Sida la sheegay xiddigaan muhiimadii uu u tagay PSG wali ma gaarin, durbana wuxuu ku fakarayaa inuu dib ugu soo laabto La Liga, warbaahinta Catalonia ayaa qortay in xiddigaan wakiiladiisa ay dhawr jeer lasoo xiriireen maamulka kooxdiisii hore.

Neymar Jr tiro ka badan saddex jeer ayuu kusoo laabtay Camp Nou si uu saaxiibadiisa hore usoo booqdo, taasna waxey dhalisay in la dareemo jaceylka uu xiddigaan u qabo wali kooxdisii hore iyo waliba saaxiibadiisa.

“Marka ugu horreysa, arintaas ma ahan mowduuca, Neymar isaga ayaa baxay sababtoo ah waxey aheyd wax uu go’aansaday, markaan taas ka amba qaadno ma jirto wax aan ka dhihi karno” ayuu yiri tababare Ernesto Valverde.

“Waligeen kama aanan hadlin ciyaartoy heshiisyo kula jira kooxo kale, waqtiga uu go’aansaday inuu ka baxo Balaugrana, waxaa heshiiska ka qeyb ahaa go’aan sharci ah”

Dhanka kale warar ka imaanaya Catalonia ayaa sheegaya in maamulka Barcelona ay wakiilo u direen Neymar wakiiladiisa oo ku sugan Brazil si ay uga wada hadlaan labada dhinac sidii Camp Nou dib loogu soo celin lahaa xiddiga reer Brazi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*