Khasaare Weyn Ayay Ku Tahay Kubadda Cagta, Laakiin Taariikhda Lama Tir-Tiri Karo – Jose Mourinho & Chelsea Oo Farriimo Qiiro Leh Hawada U Mariyay Halyeey Petr Cech.

Tababarayashiisii hore, Xiddigahii ay koox wadaaga soo noqdeen iyo kooxo ayaa hawada u mariyay farriimo macasalaameyn ah hawada u mariyay halyeey Petr Cech kaddib markii goolhayaha Arsenal ee haatan uu ku dhawaaqay inuu kubadda cagta ka fadhiisan doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Jose Mourinho oo ahaa macalinkii Petr Cech keenay horyaalka Premier League iyo kooxda uu halyeeygani kusoo sameeyay taariikhdiisa dahabiga ah inta ugu badan ee Chelsea ayaa qayb ka ah farriimaha cajiibka ah ee loo diray Cech.

Mourinho ayaa ugu horreynba Sky Sports u sheegay “Sharaf ayay ii tahay inaan ahay macalinka kaas oo wakhtisidaa u fog siiyay Petr maaliyada lambarka koowaad ee koox Premier League ah oo sarreysa”

“Kaddib maalintaas, Waxkasta isaga ayay ku saabsan yihiin, Waxkasta waxa ay ku saabsan yihiin xogtiisa, Bandhigyadiisa, Shabaqiisa nadiifta ah, Koobabkiisa iyo xirfadlenimadiisa”

“Khasaare weyn ayay ku tahay kubadda cagta laakiin taariikhda lama tir-tiri karo, Hambalyo badan ayaan ugu dirayaa waayo ciyaareed oo sidan u cajiib ah”

Dhinaca kale, Chelsea oo barteeda isticmaalaysa ayaa tidhi “Midkii weynaa ee Chelsea, Petr Cech ayaa maanta ku dhawaaqay inuu hawl gabayo dhammaadka xilli ciyaareedka, Inuu gaadhay waayo ciyaareed oo heer sarre markaas oo uu Koob kasta oo muhiim ah kula guuleystay Blues oo uu kamid yahay midka ugu caansan ee Champions League ee 2012”

Chelsea's Czech goalkeeper Petr Cech cel

Cech ayaa waayo ciyaareed oo cajiib ah soo qaatay isaga oo kuso guuleystay Afar Premier League, Afar FA Cup, Saddex League Cup, Champions League iyo Europe League.

Cech ayaa dhammaan afarta horyaalba la qaaday Chelsea isaga oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee 2004-05 sameeyay rekoodhka kulamada ugu badan ee shabaq nadiif ah lagu baxo isla markaana 21 kulan shabaqiisa ilaashaday.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*