YAAB: Unai Emery Oo Sheegay In Mesut Ozil Aanu U Qalmin In Uu Ciyaaro Kulankii West Ham Ee Uu Gabi Ahaanba Liiska Kooxdiisa Ka Saaray.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa si indho la’aan ah u difaacay go’aankii lama filaanka ahaa ee uu liiska kooxdiisa gabi ahaanba kaga saaray Mesut Ozil wuxuuna Emery difaacay sababtii uu Ozil kaga saaray liiska kooxdiisa ee kulankii West Ham wuxuuna xataa tilmaamay in Ozil aanu u qalmin in uu ciyaaro kulankii West Ham United.

Unai Emery ayaa u muuqda in uu lumiyay kalsoonii uu ku qabay Mesut Ozil wuxuuna sheegay in kulankii West Ham United uu ciyaarsiiyay xidigihii u qalmay in ay ciyaaraan oo kaliya. Ozil ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoydii Arsenal ee guuldaradu ka soo gaadhay West ham inkasta oo uu taam buuxa u ahaa in uu ciyaaro.

Unai Emery ayaa u muuqda in uu samaynayo qaladaad uu tatiko ahaan ka dadayo balse gabi ahaanba luminaya rajadii ay kooxdiisa Arsenal ka qabtay in ay ku soo baxdo kaalinta afraad ee Champions league loogu soo baxayo iyada oo hadda halis ugu jirta in ay xataa kaalinta shanaad u lumiso Man United.

Unai Emery oo ka jawaabaya sababtii uu Mesut Ozil uga reebay liiska ciyaartoyda kooxdiisa Arsenal ee kulankii West ham ayaa yidhi: “Aniga ayaa go’aansaday fikrada ciyaartoyda aan filayo in ay yihiin kuwa ugu fiican kulankan. Anagu waanu la soo guulaysanay isaga, waanu la soo guuldaraysanay isaga (Ozil), anigu ma filayo in ay tahay hal ciyaartoy in aan aanan guulaysan karin ama aanu guuldaraysano”.

Laakiin Unai Emery ayaa adeegsaday odhaah aad u xun isla markaana uu ku bahdilay Mesut Ozil isaga oo cadeeyay in aanu u qalmin kulankii West Ham wuxuuna yidhi: “Maanta ciyaartoyda halkan joogtay waxay ahaayeen kuwii u qalmay kulankan, waanu guulaysan karnay oo aanu guuldaraysan karnay”.

Emery oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaanu sii wadnaa in aanu ku shaqayno ciyaartoy kastaba, sababtoo ah dhamaantood waa muhiim, laakiin maanta go’aanku wuxuu ahaa in aanu la nimaadno ciyaartoydaas”.

Hadalka Unai Emery ayaa u muuqda mid aan soo dhawayn ka helayn jamaahiirta kooxdiisa Gunners oo si wayn ula yaabay in Ozil oo taam buuxa ah uu liiska kooxdiisa uga reebay go’aan tatiko ah iyada oo taasi keentay in Gunners ay hal abuur fiican ku wayday kulankii West ham United.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*