Xaqiiqooyinkii Laga Ururiyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool & Brighton Ee Kulankii Ay Reds Guusha Soo Gaadhay.

Liverpool ayaa tubta guusha ku soo laabtay waxayna ka soo kabsatay guuldaradii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan ku soo gaadhay Premier league ee ay kala soo kulantay Manchester City waxayna Reds guul 1-0 ah ka soo gaadhay kooxda Brighton oo iska caabin xoogan kala hortimid.

Liverpool ayaa awooday in ay todoba dhibcood sare uga sii baxday kooxda ay sida tooska ah Premier league ugu tartamayaan ee Manchester City oo la ciyaari doonta kooxda Wolves. Mohamed Salah ayaa noqday xidiga Liverpool ka soo caawiyay saddexda dhibcood ee muhiimada wayn u lahaa.

Liverpool ayaa u muuqatay in ay shaki ka qaatay guuldaradii ugu horaysay ee ka soo gaadhay Manchester City iyaga oo aan weerarkii iyo hal abuurkii looga bartay ku soo bandhigin kulankii Brighton.

Mohamed Salah ayaa sabab u noqday in kooxdiisa Liverpool rekoodhe lagu abaal mariyay isla isaga ayaana kooxdiisa rekoodhahan ugu dhaliyay goolka kaliya ee uu guusha ugu hogaamiiyay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Brighton ee ay Reds tubta guusha ugu soo laabtay.

Xidigii Garoonka: Fabinho ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu si cajiib ah u buuxiyay shaqadii uu macalinkiisa Jurgen Klopp ka dalbaday ee ahayd in uu difaaca dhexe kala ciyaaray Van Dijk. Fabinho ayaa ku guulaystay 4 jeer oo kubbad sare kooxdiisa lagu soo tuuray, hal mar ayuu kubbad halis hayd ka saaray, shan jeer ayuu kubbada dhexda ka qabtay  isaga oo 110 jeer kubbada bixiyay wuxuuna dhamaystiray boqolkiiba 85%.

Markii ay Liverpool la soo wareegtay Fabinho waxa uu Klopp ku tilmaamay ciyaartoy khaas ah maadaama oo uu saddex boos oo laba difaaca yihiin uu ka ciyaari karo, waxayna kulankii Brighton kooxda Liverpool kaga soo baxday Fabinho iyada oo dhaawacyo badan dhexda kaga jirtay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool iyo Brighton:

Brighton: Button (6), Montoya (5), Dunk (6), Duffy (6), Bong (5), Stephens (5), Propper (6), March (5), Gross (5), Locadia (6), Murray (5)

Badalkii: Andone (5), Knockaert (5), Kayal (5)

Liverpool: Alisson (6), Robertson (7), Van Dijk (7), Fabinho (8), Alexander-Arnold (7), Henderson (7), Wijnaldum (7), Shaqiri (6), Mane (6), Salah (7), Firmino (6)

Badalkii: Milner (6), Keita (5), Origi (5)

Riix 2 si aad xaqiiqooyinkii iyo rekoodhadii laga diwaan galiyay kulankan u akhrisato.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*