SAGAAL Ciyaartoy Oo Uu Alexis Sanchez Ku Jiro Oo Aan La London Ula Safrin Kooxda Man United Iyo Ole Gunnar Solskjaer Oo Imtixaankii Ugu Adkaa Mari Doona.

Manchester United ayaa u safartay caasimada England ee London iyada  tababare Ole Gunnar Solskjaer uu wajihi doono kulankiisii ugu adkaa ee waayihiisa Manchester Unied tan iyo markii uu badalay Jose Mourinho oo shaqada laga caydhiyay bishii la soo dhaafay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dooday in kulan kasta oo Premier league ahi uu tijaabo adag yahay laakiin kulanka Tottenham ayaa loo arkaa mid lagu go’aamin doono qiyaasta uu saamayn ugu yeeshay kooxdii uu Mourinho ka dhaxlay maadaama oo afartii kulan ee uu soo guulaysay ahaayeen kuwo aan tijaabo adag ahayn.

Laakiin liiska ciyaartoyda Man United ee u safartay London waxaa ka maqan sagaal ciyaartoy sida uu shaaciyay wargayska Manchester Evening News waxaana sagaalkan ciyaartoy ka mid ah Alexis Sanchez oo uu dhaawac muruqa ahi ku soo gaadhay kulankii FA Cupka ee Reading.

Ciyaartoyda kale ee la ogaaday in ay ka maqan yihiin liiska ciyaartoyda uu Ole Gunnar Solskjaer u soo magacaabay kulanka Tottenham waxay kala yihiin Chris Smalling, Eric Bailly, Antonio Valencia, Matteo Darmian iyo Marouane Fellaini .

Laakiin warka ugu fiican ee ay jamaahiirta Man United heleen ayaa ahin Pual Pogba uu diyaar u yahay kulanka Tottenham isla markaana uu ka mid yahay ciyaartoyda London u safray ee ciyaari doona kulanka Tottenham.

Halkan kaga bogo Liiska Ciyaartoyda Man United Ee London U Safartay:

Goolhayayaasha: De Gea, Romero, Grant

Difaaca: Lindelof, Jones, Young, Dalot, Shaw

Khadka dhexe: Pereira, Mata, Matic, Pogba, Fred, Herrera, McTominay, Lingard, Garner

Weerarka: Martial, Rashford, Lukaku

Ciyaartoyda Maqan: Smalling, Rojo, Bailly, Valencia, Darmian; Fellaini, Gomes; Chong, Sanchez


6 Fekradood

    • Asc walaal Waan idin salaamey.Waxaan ku fikiray inaan idin wey diiyo waxyar.
      Taasoo ah, Malaga yaabaa, mase maku tala jirtiin,mar
      Inaad Live footboll-ka uga soo deysiin page-kiina, haba ahaatee lacag bishi la bixinaayo, mase…

  1. Asc walaal Waan idin salaamey.Waxaan ku fikiray inaan idin wey diiyo waxyar.
    Taasoo ah, Malaga yaabaa, mase maku tala jirtiin,mar
    Inaad Live footboll-ka uga soo deysiin page-kiina, haba ahaatee lacag bishi la bixinaayo, mase…

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*