Real Madrid Oo Barcelona Kala Wareegtay Tirada Ciyaartoyda Ee Abid Ugu Soo Baxay Shaxda Kooxda Sanadka Ee UEFA.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa wax walba oo kubbada cagta ah si khaas ah ugu tartamaya iyada oo hadba kooxi ay waxyaabaha qaar ku sare marto. Kadib markii ay UEFA soo saartay shaxda kooxda sanadkii dhamaaday ee 2018, waxay Real Madrid ka caawisay in ay Barcelona kala wareegto hogaanka ciyaartoyda ugu badan ee abid kooxahan uga soo qayb galay shaxda kooxda sanadka ee UEFA.

Real Madrid ayaa shaxda kooxda sanadka ee UEFA ee 2018 ka heshay shan ciyaartoy oo kala ah Luka Modric, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo iyo Cristaino Ronaldo oo qayb ka mid ah sanadkii 2018 ku soo qaaday Bernabeu intii aanu ku biirin Juventus.

Laakiin sanadkii dhamaaday ee 2018, Barcelona ayaa shaxda UEFA ee sanadka ku yeelatay laba ciyaartoy oo kaliya kuwaas oo kala ah Lionel Messi iyo goolhaye Ter Stegen, waxayna arintani Real Madrid ka caawisay in ay marka hore soo qabatay Barcelona isla markaana ay ku dhaaftay tirada ciyaartoy ee abid uga soo muuqday shaxda kooxda sanadka ee UEFA.

Real Madrid ayaa yeelatay 48 ciyaartoy oo kala duwan oo kooxdeeda ka soo ciyaaray oo ugu yaraan min hal mar ama ka badan ka soo muuqday shaxda kooxda sanadka ee UEFA iyada kabtankeeda Sergio Ramos uu markii siddeedaad ka soo muuqday shaxdan.

Barcelona ayaan wax badan ka hoosayn Real Madrid inkasta oo ay markii hore ahayd kooxda haysatay rekoodhka ciyaartoyda ugu badan ee shaxda kooxda sanadka ee UEFA, waxaana Barcelona uga soo muuqday 47 ciyaartoy iyada oo hal ciyaartoy ka hoosaysa Real Madrid.

Sanadihii ugu danbeeyay ayay Real Madrid si buuxda u qabsatay shaxda kooxda sanadka ee UEFA taas oo meesha ka saartay Barcelona oo waqti badan soo ahayd kooxda shaxda qaarada yurub ugu badnaan jirtay markii ay kooxdeeda joogeen Xavi, Iniesta, Puyol isla markaana uu Messi si joogo ah ugu soo baxayay.

Si kastaba ha ahaatee, shaxdii ugu danbaysay ee ay UEFA soo saartay ayaa sabab u noqotay in Real Madrid ay ku noqotay kooxda abid ciyaartoyda ugu badan shaxda sanadka ee UEFA ka heshay iyada oo rekoodhkan kula wareegtay 48 ciyaartoy halka Barcelona ay kaalinta labaad ugu jirto 47 ciyaartoy.

Lionel Messi ayaa ah ciyaartoyga taariikhda Barcelona ugu rekoodha fiican shaxda kooxda sanadka ee UEFA isaga oo markii 10 aad ku soo baxay shaxda kooxda UEFA ee 2018 ee lagu dhawaaqay.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*