Qiimaynta Ciyaartoyda Arsenal & West Ham Ee Kulankii Gunners Ay Iska Lumisay Fursada Ay Tartanka Kaalmaha Sare Ugu Sii Socon Lahayd.

Kooxda West Ham United ayaa guuldaro 1-0 ah u soo xambaarasay Arsenal waxayna guuldaradani sii xumaysay xaalada Arsenal ee rajadii ay ka qabtay in ay ku soo bixi karto afarta kaalmood ee sare ee Champions league loogu soo baxayo waxayna arintani fursad wayn siinaysaa kooxaha Chelsea iyo Man United.

Chelsea oo aan kulankeeda 22 aad ciyaarin ayaa 3 dhibcood ka saraysa Arsenal taas oo la micno ah in Blues ay 6 dhibcood ka fogaan karto Gunners laakiin sidoo kale haddii ay Man United guul ka gaadho Tottenham waxay dhibco 41 ah la wadaagi kartaa Arsenal.

Da’yarka Declan Rice ayaa dhaliyay goolkiisii abid ugu horeeyay ee kooxda kowaad ee West Ham United wuxuuna goolani noqday mid Hammers ka caawiyay in ay saddexda dhibcood ka reebteen Arsenal.

West Ham United ayaa soo gaba gabaysay 10 guuldaro oo Arsenal kaga soo gaadhay garoonkeeda waxayna heshay guusheedii ugu horaysay ee Premier league ah garoonkeeda Arsenal kaga gaadho tan iyo November 2006 kii.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta ciyaartoyda kooxaha Arsenal iyo West Ham United taas oo laga fahmi karo ciyaartoydii kulankan liitay iyo kuwii shaqada wayn qabtay..

Xidigii Garoonka: Declan Rice oo noqday xidiga go’aamiyay kulankii West Ham United iyo Arsenal ayaa loo doortay in uu ahaa xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo kooxdiisa Hammers ka caawiyay in ay saddex dhibcood muhiim ah ka heshay Gunners.

Dhamaan ciyaartoyda kooxda West Ham ee kulankan ku soo bilawday ayaa qiimayn aad u fiican helay laakiin waxaa kulankan ku fashilmay xidigaha Arsenal ee kala ah Xhaka, Kolasinac, Iwobi iyo  Maitland-Niles iyada oo xataa xidigihii kaydka ka soo baxay ayna saamayn yeelan.

Qiimaynta Ciyaartoyda Arsenal iyo West Ham

Home Team: Fabianski (7), Zabaleta (7), Ogbonna (7), Diop (7), Cresswell (7), Noble (6), Rice (8), Antonio (6), Nasri (7), Anderson (6), Arnautovic (7).

Badalkii: Carroll (6), Snodgrass (6), Obiang (n/a)

Arsenal: Leno (6), Mustafi (6), Sokratis (6), Koscielny (6), Maitland-Niles (5), Xhaka (5), Guendouzi (6), Kolasinac (5), Iwobi (5), Lacazette (6), Aubameyang (6).

Badalkii: Ramsey (5), Torreira (6), Bellerin (5)


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*