Miyuu Neymar Ku Laabanayaa Barcelona, Maxaase Ka Jira Wararka Sheegaya Inuu Telefoon Ku Wareeriyey Madaxda Barca? Aabaha Dhalay Neymar Oo Bannaanka Keenay Xaqiiqada

Waxa isa soo taraya wararka sheegaya inuu jiro xidhiidh u dhexeeya Neymar iyo Barcelona oo xuduntiisuna tahay sidii uu xiddiga reer Brazil dib ugu laaban lahaa garoonka Camp Nou.

Warbaahinta dalka Spain ayaa maalmihii ugu dambeeyey sheegayey in Neymar uu khadka telefoonka kula xidhiidhay masuuliyiinta Barcelona, isla markaana ay isla soo qaadeen sidii uu ula midoobi lahaa kooxdiisa hore oo uu sannad iyo badh ka hor kaga tegay lacagtii ugu badnayd ee abid laacib lagu iibsado oo ay PSG kula wareegtay 222 milyan Euro.

Wargeyska Evening Standard ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa waxa uu isaguna tilmaamay in Neymar oo 51 kulan oo uu PSG u ciyaaray u dhaliyey 46 gool, kulana guuleystay afar koob uu go’aansaday inuu soo afjaro waayihiisa Ligue 1 oo uu dib ugu labato Spain, taaasna ay dhici doonto suuqa xagaaga ee soo socda.

Dadka ciyaaraha falan-qeeya ayaa waxay ku doodayaan in Neymar aanu u baahnayn inuu ku laabto koox uu sannad ka maqnaa, ayna tahay inuu loollan cusub doorto, balse haddii uu PSG sii joogo aanu heli doonin meeqaamka uu hiigsanayo ee ah inuu xiddiga adduunka u tartamo, caddayntii ugu horreysayna ay haddaba usoo baxday oo ah inuu durba lumiyey booskiisii Ballon d’Or ee kaalmaha sare.

Haddaba, aabbaha dhalay Neymar oo lagu magacaabo Neymar Sr, ayaa waxa uu been ku tilmaamay gebi ahaanba wararkan, waxaana uu ku tilmaamay kuwo lagu qoslo, isaga oo meesha ka saaray jiritaanka xogta laysla dhex marayo ee sheegayso inuu jiro wada-hadal u dhexeeya Barcelona.

Neymar sr. ayaa boggiisa Instagram waxa uu soo dhigay nuqul ka mid ah wararka warbaahintu ka qortay xiddigan reer Brazil, waxaanu kusoo dul qoray laba erey oo ah inuu been yahay warku.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*