Gudoomiyaha Tottenham Ee Daniel Levy Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Uu Aqbali Doono Dalab 50 Milyan Ah Oo Ay Man United Ka Bixin Karto Tababare Mauricio Pochettino.

Maamulka kooxda Manchester United ayaa suuqa ugu jira in ay helaan tababarihii ugu haboonaa ee ay kooxdooda u magacaabi lahaayeen si uu u noqdo badalka rasmiga ah ee Jose Mourinho kaas oo bishii hore laga caydhiyay Old Trafford, waxaana liiska tababarayaasha ay maamulka United doonayaan ka mid ah tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Man United ayaa waqti dheer doonaysay in ay la soo saxiixdaan tababaraha reer Argentina ee Pochettino kaas oo Tottenham heer kale u qaaday tan iyo markii uu Espanyol ka soo wareegay laakiin ka hor kulanka Man United ay booqanayso Tottenham, gudoomiyaha Spurs ee Daniel Levy ayaa go’aan ka gaadhay waxa uu ka yeeli doono xiisaha Man United.

Gudoomiyaha ugu waqtiga dheer kooxaha Premier league ee Daniel Levy oo tan iyo sanadkii 2001 kii shaqadan u soo hayay kooxdiisa Tottenham ayaa go’aan cad ku gaadhay in aanu aqbali doonin dalab kasta oo ay United ka soo gudbiso tababaraha kooxdiisa ee Mauricio Pochettino.

Wargayska The Sun ayaa shaaciyay go’aanka gudoomiyaha Tottenham ka qaatay xiisaha United ee tababare Mauricio Pochettino wuxuuna boodhka kooxdiisa ku war galiyay in xataa haddii ay Man United bixiso 50 milyan gini in aanu aqbali doonin in tababare Pochettino uu ku biiro United.

Gudoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy ayaa ah nin kubbada cagta caan kaga noqday hal adayga iyo waada xaajoodyada lagu daalo ee ay kooxuhu ka sii cabsadaan isaga oo inta badan ku guulaysta qaabka uu u doonayo in wada xaajoodyadu ay u dhacaan.

Daniel Levy ayaa hore madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez meel uga mariyay saxiixa tababare Pochettino markii uu Perez doonayay in badalkii Zidane uu ka dhigto  Mauricio Pochettino laakiin markale gudoomiyaha Spurs ayaa go’aansaday in aanu dalab kasta ka aqbalin maamulka Man United.

Heshiiska  Mauricio Pochettino ee Tottenham waxaa ka hadhsan afar sanadood oo ku qiimaysan 34 milyan gini, laakiin sida uu qoray The Sun, gudoomiyahay Tottenham ee  Daniel Levy ayaa boodka kooxdiisa si cad ugu war galiyay in haddii ay United bixiso 50 milyan gini oo aad uga badan qiimaha heshiiska Pochettino ee kooxdiisa in aanu aqbali doonin.

Man United ayaa markii ay Mourinho shaqada ka caydhisay kooxdeeda si ku meel gaadh ah ugu magacowday Ole Gunnar Solskjær kaas oo kooxda shaqo fiican ka qabanaya laakiin waxa uu tijaabadii ugu adkayd mari doonaa marka ay United booqato kooxda ay tababaraheeda doonayso ee Tottenham.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka gudoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy ayaa dhibaato ku noqon kara in gudoomiye ku xigeenka Man United ee Ed Woodward uu bartilmaameedka kowaad ka dhigtay saxiixa tababare Mauricio Pochettino kaas oo hadda u muuqda in aan si sahlan lagu heli karin.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*