DAAWO: Kumuu Ahaa Xidiga Liverpool Ka Tirsan Ee Uu Virgil Van Dijk Sida Waalida Ah Ugu Qayliyay Ee Uu Ku Dhawaaday In Gacanta Ula Tago?

Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah balse ay ku dhibtootay ka soo gaadhay kooxda Brighton laakiin mid ka mid ah dhacdooyinkii ka hadhay kulankan ayaa ah qaabkii aan la rumaysan karin ee uu difaaca dhexe ee Liverpool u lumiyay deganaanshihiisa ee uu ugu qayliyay xidig kooxdiisa Liverpool ka tirsan.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si wayn u jeclaystay qaabkii dagaalka ahaa ee uu Van Dijk uga falceliyay markii uu dhamaadkii kulankii Brighton arkay difaac kooxdiisa Liverpool ka tirsan oo boos qaldan jooga kaas oo uu ka cabsi qabay in dhiniciisa ay Brighton ka soo jabsato.

Markii ay ciyaartii Brighton maraysay daqiiqadii 89 aad Van Dijk ayaa arkay da’yarka difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold oo taagan boos aan sax ahayn xili ay kooxdiisu doonaysya in ay si fiican u difaacato goolkii uu Mohamed Salah dhaliyay.

Laakiin Van Dijka ayaa markii hore isku dayay in uu u caqli celiyo da’yarka Trent Alexander-Arnold wuxuuna u tilmaamay in uu dib u soo dego maadaama oo ay doonayeen in ayna weerar badan isku mashquulin dhamaadkii ciyaarta balse ay muhiimada saaraan sidii ay goolka guusha ku ilaashan lahaayeen.

Balse Trent Alexander-Arnold ayaan markiiba ka falcelin talada uu ka helay Van Dijk taas oo keentay in xidiga reer Holland uu gabi ahaanba lumiyay dulqaadkiisa wuxuuna dhegaha uga qaylyay Arnold kaas oo dareemay dhinaca kulul ee Van Dijk uu leeyahay marka uu doonayo in aan qalad la samayn waqti xaasaasi ah.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa iswaydiiyay sababta uu ilaa hadda Henderson u yahay kabtanka kooxdooda ee aan Van Dijk looga dhigin waxayna u arkaan in canaantii iyo hanjabaadii ku dhacday Trent Alexander-Arnold ee ka timid Van Dijk ay muujinayso hogaamintiisa iyo sida uu kooxda ugu goobaabinayo in ay qaladkooda saxaan.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka qaabkii uu Van Dijk isku xakamayn kari waayay ee uu ugu qayliyay Trent Alexander-Arnold isaga oo xataa ku sigtay in uu goobtiisa ugu tago.

TREEEENT! from r/LiverpoolFC

Si kastaba ha ahaatee, Van Dijk iyo Fabinho ayaa awooday in ay shabaq nadiif ah kala baxeen kulankii Brighton iyada oo Van Dink uu markale awooday in uu Fabinho ka dhigtay lamaane difaac oo fiican taas oo Klopp kalsooni badan siin karta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*