Chelsea Oo Stamford Bridge Saddexda Dhibcood Kaga Qaadatay Newcastle United, Blues Oo Sare Uga Baxday Gunners Xili Pedro & Willian Shabaqa Gaadheen.

Chelsea ayaa guul aad muhiim u ah garoonkeeda Stamford Bridge kaga gaadhay kooxda Newcastle United oo marti u ahayd iyada oo guushan ay ka caawiyeen Perdro Rodriguez iyo Willian oo  dhaliyay labada gool ee kooxdooda Blues ku garaacday kooxda Newcastle United.

Chelsea ayaa lix dhibcood oo nadiif ah ka baxday kooxda kaalinta shanaad ku jirta ee Arsenal oo guuldaro kala kulantay West Ham United, waxayna sidoo kale Blues ka soo fogaatay Man United oo kulan adag la ciyaari doonta Tottenham.

Shixihii Labada Kooxood Ee Kulankan:

NEWCASTLE UNITED (5-4-1): Martin Dubravka; DeAndre Yedlin, Jamaal Lascelles (c), Florian Lejeune, Ciaran Clark, Matt Ritchie; Ayoze Perez, Sean Longstaff, Isaac Hayden, Christian Atsu; Salomon Rondon.

Kaydka: Fabian Schar, Freddy Woodman, Javier Manquillo, Federico Fernandez, Jacob Murphy, Joselu, Jamie Sterry.

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, David Luiz, Antonio Rudiger, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Mateo Kovacic; Willian, Eden Hazard, Pedro.

Kaydka: Willy Caballero, Andreas Christensen, Ethan Ampadu, Emerson, Ross Barkley, Callum Hudson-Odoi, Olivier Giroud.

Daqiiqadii 9 aad Chelsea ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee ay markiiba kaga farxisay jamaahiirta kooxdeeda Stamford Bridge waxaana goolkan u saxiixay Pedro Rodriguez kadib markii uu caawin ka helay David Luiz waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Blue hogaanka kula wareegtay.

Newcastle United ayaa raadinaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd halka Chelsea ay dagaal wayn ugu jirtay in ay natiijada ciyaarta xafidato isla markaana ay goolal kale oo ay kalsooni ku abuurato hesho balse ciyaarta ayaa waqti badan ahayd mid ay Blues hogaanka ku ahysay goolka Pedro.

Daqiiqadii 40 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ayay kooxda Newcastle United awooday in ay ciyaarta ku soo laabto waxaana goolka barbaraha u keenay Clark kaas oo darbo madax ah ku dhamaystiray gool caawin uu soo sameeyay M. Ritchie waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 57 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Willian ayaa gool layaableh kooxdiisa Chelsea hogaanka ugu soo celiyay kadib markii uu kubbad ka helay Eden Hazard, wuxuuna ahaa gool khaas ah oo soo celiyay farxadii iyo niyadii Chelsea waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Blues hogaanka ku qabtay markii labaad.

Daqiiqadii 63 aad Sarri ayaa ciyaarta soo galiyay Ross Barkley isaga oo saaray Mateo Kovacic laakiin ciyaarta ayaa markale noqotay mid laysku mari waayay iyada oo Newcastle wali rajo ka qabtay in ay markale ciyaarta ku soo laabto.

Daqiiqadii 81 aad Sarri ayaa ciyaarta soo galiyay da’yarka mustaqbalkiisu cirka ku shareeran yahay ee C. Hudson-Odoi kaas oo la aaminsan yahay in uu heshiis buuxa la gaadhay Bayern Munich waxaana la saaray Pedro Rodriguez.

Dhamaadkii ciyaarta Benitez ayaa hal mar ciyaarta soo wada galiyay Jacob Murphy iyo Javi Manquillo isaga oo saaray Ayoze Pérez iyo D. Yedlin wuxuuna raadinayay qaabkii uu hal dhibic kooxdiisa ugu badbaadin lahaa.

Daqiiqadii 87 aad Sarri ayaa badalkiisii ugu danbeeyay ka dhigtay Giroud wuxuuna saaray Eden Hazard isaga oo markan u baahnaa ciyaartoy joog dheer oo kooxdiisa ka soo saara kubbadaha ay Newcastle United ay ku raadinaysay in ay barbaro ku samayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Chelsea saddexda dhibcood kaga reebtay kooxda Newcastle United waxayna guushani ka caawisay in ay lix dhibcood sare uga baxday Arsenal oo ay cadaadis kala kulmaysay halka Blues ay ka sii fogaatay Man United oo Tottenham marti u noqon doonta.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*