WAR CUSUB: Jose Mourinho Oo Ugu Dambayn Ka Jawaabay Haddii Uu Qaban Doono Xilka Tababarenimo Ee Real Madrid & Hadalada Uu Ku Fal-Celiyay Mar Wax Laga Weydiiyay Manchester United

Tababarihii dhawaan laga caydhiyay shaqada tababarenimo ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa markii ugu horreysay taniyo caydhintiisii wax laga weydiiyay wax ku saabsan kooxdiisii hore iyo haddii uu maamulayo Real Madrid oo lala xidhiidhinayay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Real Madrid ayaa ku dhibtoonaysa koobabka maxaliga ah xilli ciyaareedkan taas oo la micno ah in culays saaran yahay Santiago Solari marka laga yimaado inuu kaliya horraanta xilli ciyaareedkan shaqada ka badalay Julen Lopetegui.

Mourinho ayaa loo calaamadiyay in uu yahay ninka badbaadin kara Real Madrid laga soo bilaabo markii Man United laga diray, Jose ayaa halkaas si fiican u garanaya isaga oo kusoo qaatay saddex sano oo xoogan walow uu qaab xun kaga baxay kooxda sanadkii 2013.

Haddaba, Tabababaraha ree Portugal ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in dib loola xidhiidhiyo koox uu soo maamulay isla markaana haddii kooxi ay dib u casuunto shaqsi soo layliyay ay tahay inay garanayaan qiimaha qofkaas.

Special One oo si dadban usoo dhawaysanaya shaqada Madrid ayaa yidhi “Waa wax laga sheego saxaafada laakiin anigu ma qaadan doono, Marka ciyaartoy ama tababare ku laabto koox waxa ay la micno tahay inaan soo samaynay wax wanaagsan”

“Waxaan sidaa dareemay markaan ku laabtay Chelsea, Marka xirfadle soo laabto amaba lagu casuumo in uu koox kusoo laabto, Waa sharaf weyn”

Real Madrid news

“Maaha wax mad madaw ku jira, Kooxuhu waxa ay isku dayayaan inay dhaxlaan tababare ama ciyaartoy ay garanayaan, Waa wax hore halkaas uga jiray, Haddii ay ku marti qaadaan sababtoo ah waxa ay garanayaan qiimaha qofka”

Dhinaca kale, Mourinho oo wax laga weydiiyay Manchester United oo dhawaan fasaxday ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah bixiyo isaga oo sheegay inuu cutub soo dhammaaday yahay.

“Waxaan markasta bartay in marka aad koox ka tagto aanad hadal, Marka aad koox ka tagto maaha inaad maydho dhar wasakh ah, Marka aad koox ka tagto maaha inaad raadiso inaad saxaafada kahor eedayso, Waa cutub dhammaaday sidaasina waa sida aan markasta samayn jiray”

2 Comments

    • J.m waa taba bara madax adag wuxuuna udhaqmaa siduu doona waana isla qomanyahy inta badan man utd weyb kareysatay gabbi ahaanba real Madrid na koley waa un lagasoo ceydhin doonaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*