DEG DEG: Cesc Fabregas Oo Si Rasmi Ah Uga Tagay Chelsea Isagoo La Midoobay Thierry Henry

Cesc Fabregas ayaa si rasmi ah uga tagay maanta Chelsea isagoo ku biiray kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan ee AS Monaco.

Xiddiga reer Spain ayaa kooxda Monaco waxa uu u saxiixay heshiis seddex sanno iyo bar ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u wareegistiisa kooxda Ligue 1 waxa ay soo gabagabeyneysaa afar sannadood iyo bar uu joogay Chelsea isagoo mudadaas la qaaday kooxda afar koob oo waa weyn oo ku jiraan labo Premier League.

Xiddiga reer Spain ayaa Chelsea u saftay 198 kulan waxaana uu u dhaliyay mudadaas 22 gool.

Warbixin kooban oo ay Chelsea soo dhigtay bogeeda ayaa lagu yiri: “Waan uga mahadcelineysaa Cesc Fabregas adeegii cajiibka ahaa ee uu inoo qabtay, waxaana u rajeyneynaa nasiib wacan.”

Fabregas ayaa la midoobaya xiddigii ay hore uga wada tirsanaayeen Arsenal ee Thierry Henry kaasoo tababare ka ah kooxda AS Monaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*