CAJIIB: Khabiirka Kubadda Cagta Spain Ee Guillem Balague Oo War Cusub Kasoo Saaray Arrimaha Isco Alarcon Ee Real Madrid, Qorshaha Uu Xiddigu Solari Ka Leeyahay Iyo Haddii Uu Kusii Jeedo Man City.

Khabiirka kubadda cagta Spain ee Guillem Balague ayaa war cusub ka shaaciyay xaalada xiddiga Isco Alarcon ku haysata kooxda Real Madrid, Qorshaha uu ka dajistay tababare Santiago Solari iyo haddii uu kusii jeedo Manchester City.

Isco ayaa ku dhibtooday inuu wax boos ah ka helo tababare Solari waxaana ay taasi dhalisay in lala xidhiidhiyo bixitaan, Chelsea ayaa ahayd kooxda mar lagu sheegayay mid Isco heshiis la gaadhay kahor inta uusan sidoo kale soo bixin xiiso uga imanayay Paris Saint-Germain.

Wararka la xidhiidhinaya inuu ka baxayo kooxda ayaa tan iyo wakhtigaas soo jiitamayay waxaana haatan waxa xiga ee ku dhici kara xiddigan daaha ka qaaday Balague.

Khabiirka oo ka hadlayay bartiisa Youtube ayaa sheegay in Isco uusan kooxda ka baxayn balse uu sugayo bixitaanka Solari qudhiisa oo uu eegi doona waxa uu isaga ka doonayo tababaraha xiga ee kooxda qabsada waana aragti aysan hore cidi uga fikirayn.

“Isco waa mid xiiso badan sababtoo ah Isco ma doonayo inuu tago, Waa wax sahlan, Waxa uu sugayaa in Solari baxooo uu arko waxa uu tababaraha xiga isaga ka malaynayo”

“Isagu ma laha wax dareen ah oo uu ku tagayo Manchester City-na ma aysan doonayn markii lala xidhiidhinayay, Wakhtigii Pellegrini haa laakiin Guardiola maya”

Isco ayay macquul tahay inuu kahoos shaqeeyo Jose Mourinho, Jose ayaa la aaminsan yahay inuu halka ugu sarreysa kaga jiro liiska macalimiinta ay kooxdu doonayso waxaana uu xor u yahay inuu ku biiro kaddib markii ay lacagahii uu Man United ka doonayay ee xanibayay ay isku waafaqeen Red Devils.

 


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*