Bayern Munich Oo Bilawday Ka Fikirka Kulamada Champions League Ee Liverpool & Xiddig Muhiim Ah Oo Ganaax Uu Ku Maqnaan Lahaa Ka Qaadanayaan Racfaan.

Kooxda Bayern Munich ayaa u muuqata mid haatanba bilawday kasii fikirka kulamada ay la yeelan doonaan kooxda Liverpool ee tartanka Champions League wareegiisa 16-ka waxaana ay isha ku hayaan sidii ay ganaaxa kaga bad-baadsan lahaayeen mid kamid ah xiddigahoda muhiimka ah.

Xiddiga ay Munich arrintiisa ku jirto ayaa ah Thomas Muller kaas oo la siiyay kaadhkiisii casaa ee ugu horreeyay ee waayihiisa ciyaareed kaddib markii uu madaxa ka darbeeyay xiddiga Ajax ee Nicolas Tagliafico.

Muller oo ganaaxiisu laba kulan yahay ayay hubaal tahay inuu seegayo kulanka lugta hore 19 Febraury ka dhacaya gegida Anfield balse Bayern ayaa ku rajo weyn inay racfaan guuleysta ka qaataan ganaaxa kulanka lugta labaad ee 13 March loo balansan yahay.

Kaddib qaladka foosha xun ee uu kulankaas ka sameeyay Muller isla markaana dunida badhkeed ku sifeeyay inuu ahaa darbad ka timid ciyaarta Kung Fu ayuu Muller raali gelin bixiyay iyadoo macalinka kooxdaas ee Niko Kovac uu cadeeyay in kaadhka cas abaalmarin sax ah ahaa.

“Maya, Maya umaan jeedin inaan sidaas sameeyo, Ma aysan ahayn wax ulakac ah” Ayuu Thomas saxaafada u sheegay kaddib shilkan uu kaadhka casaanka ah ku mutay.

Muller ayaa xilli ciyaareedkan caawinaya kooxdiisa walow ay booska labaad ka fadhiyaan miiska kala sarrenyta ee horyaalka Bundesliga waxaana uu soo dhaliyay shan gool tartamada oo dhan isaga oo lix kale caawiye ka noqday.

Thomas Mueller. AFP

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*