Arjen Robben Oo Cabasho Ka Muujiyay Inay Champions League Ku Aadeen Liverpool & Waxa Uu Kaga Jawaabay Haddii Daafaca Ay Dhalashada Wadaagaan Ee Van Dijk Uu Yahay Midka Dunida Ugu Fiican Booskiisa.

Garabka kooxda Bayern Munich ahna halyeeyga xulka qaranka Holland ee Arjeon Robben ayaa markiisa aragti ka dhiibtay inay tartanka Champions League ku aadeen kooxda Liverpool iyo waliba daafaca kooxdaas ee Virgil Van Dijk.

Liverpool ayaa guul 1-0 ah oo ay kaga soo baxday wareega Group-yada kasoo gaadhay dhigeeda Napoli, Reds ayaa kulankaas kaliya u baahnaa hal gool waxaana ay uga mahad celinayan goolkaas Mohamed Salah.

Liverpool ayaa soo baxday balse booska labaad kusoo baxday taas oo keentay in lagu beego mid kamid ah kooxaha ugu fiican Yurub, Waa Munich oo ay Anfield kulanka lugta hore kuwada ciyaarayaan ciyaar ay ka hadhsan tahay bil iyo wax yar.

Haddaba, Arjen oo ka hadlay isku aadkaas ayaa dhiibtay aragti daacadnimo ah isaga sheegay inuu Reds u arko mid kamid ah kooxaha Champions Leagueu tartamaya isla markaana uu isku aadkani yahay midkii ugu adkaa ee ugu macquulsanaa ee kooxdiisu la kulmi karaysay.

Robben oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Liverpool si wanaagsan ayay samaynaysaa markale, Si lamid ah sidii sanadkii hore markii ay Final-ka gaadheen, Sidoo kale waxaan u arkaa mid kamid ah kuwa ugu cad cad ee guusha Champions League xilli ciyaareedkan”

“Anaga ahaan waxa ay noo tahay isku aadkii ugu xumaa ee ugu macquulsanaa, Laakiin waxa uu noqon doonaa loolan weyn, Waa inaan nafaheena eegno, Inaan sii wadno shaqada adag oo aan nafaheena horumarino”

Ugu dambayn Robben oo si weyn u amaanaya daafaca dalkiisa ee Van Dijk ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ciyaartiisa laakiin uusan isagu xukumayn haddii uu yahay daafaca ugu fiican dunida.

“Ma ogi haddii uu yahay daafaca ugu fiican, Dadka kale aya loo ogol yahay inay xukunkaas sameeyaan laakiin waan ku faraxsanahay isaga”


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*