Horyaalkee Adag Horyaalka Spain Ee La Liga Iyo Midka Talyaaniga Ee Serie A – Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horreysay Wax Laga Weydiiyay Iyo Jawaabta Uu Bixiyay.

Weeraryahanka cusub ee kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ahna xiddigii sagaalka sano ee dahabiga ah kusoo qaatay kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa haatan ka hadlay nooca farqi ee u dhaxeeya horyaalada Spain iyo Italy.

Ronaldo ayaa haatan ku dhawaad lix bilood ku sugan Juventus waxaana uu sagaal sano oo ka horreeyay kusoo qaatay Madrid isaga oo mudadaas soo urursaday koobab iyo abaalmarino shaqsi iyo wadar ahaanba leh.

Kaddib ka bixistii Real, Cristiano waxa uu isbar-bardhig ku sameeyay kooxdiisii hore iyo kooxdiisa haatan ee Juve isaga oo farqiga ugu weyn ee labada dhinac ku sheegay in Bianconeri ay tahay kooxda isku xidhnaanta badan isla markaana qoys ahaan uga wanaagsan Madrid.

Haatana, Ronaldo ayaa isbar-bardhig ku sameeyay horyaalada La Liga iyo Spain, Kahor isbar-bardhigiisa CR7 waxa uu si cad u sheegay in sanadkii 2018 uu ahaa midkiisii ugu fiicnaa isaga oo dhinaca kale xusay in jabinta rekoodhadu aysan isaga muhiimad gaar ah u lahayn.

Ronaldo ayaa yidhi “Anigu uma shaqeeyo si aan u jabiyo rekoodhada, Taa bedelkeeda waxaan u shaqeeyaa wanaaga kooxda, 2018 waxa uu ahaa sanadkii ugu fiicnaa ee waayahayga”

“Marka la joogo Serie A, Waxa ay ii raacdaan sida ay ii raacan jireen horyaalka La Liga, Laakiin ma jirto meel banaani halkan (Horyaalka Talyaaniga) sababtoo ah dhammaan kooxuhu waxay leeyihiin daafac wanaagsan”.

Hadalka Ronaldo ayaa ah mid laga dhex akhrisan karo in kala duwanaanshaha ugu weyn ee u dhaxeeya horyaalada Spain iyo Talyaanigu ay yihiin safka daafaca iyo xiddigaha ay kooxuhu u kala haystaan booskaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*