CEEB: Frank Ribery Oo Si Xun U Aflagaadeeyay Waalidka Dadkii Ku Dhaleeceeyay Inuu Iibsaday Hilib Buskeeti Ah Oo Dahab La Mariyay

Frank Ribery ayaa iibsaday hilib buskeeti ah oo qiimihiisa uu gaarayo 1300 doolar oo dahab la dulmariyay horaantii isbuucaan mar uu booqday maqaaxida ninka ku caanbaxay Salt Bae ee ku taala Imaaraadka Carabta.

Taageerayaal badan oo ka mid ah 3.9 milyanka kala socda Instagram ayaa ku dhaleeceeyay Franck Ribery inuu lacag intaas la eg ku bixiyo hilib dusha laga mariyay dahabka la cuni karo.

Xiddiga Bayern Munich oo la filayo inuu xagaaga ka tago kooxda ayaa sannadka 2019 ku soo dhaweeyay inuu cunay hilibkaas dahabka la dulmariyay ee uu sameeyay Salt Bae.

Waxaana muuqaal uu soo dhigay Instragam uu ku soo qoray: “Ma jirto wax ka fiican inaan ku bilowdo sannadka in yar oo cusbo ah iyo inaan booqdo walaalkeyga Turkiga.”

Halkaan ka daawo muuqaalka Ribery oo loo sameynayo hilib la dahab dulmarsan

Waxaana ay dabcan keentay in lagu dhaleeceeyo lacagta uu ku bixiyay hilibka dahabka marsan laakiin Ribery ayaa si carro leh uga jawaab celiyay.

“Sannadkan 2019 aan ka bilowno kuwa maseyrsan, kuwa naceybka u saaxiibka ah, kuwa dhalashadooda ay sabab u aheyd cinjir dilaacay.

“U galmooda hooyadiin, ayeeyadiin iyo xitaa faraciina. Waxba iguma lihidiin. Guusheyda waa ay idinka sareysaa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*