Juventus Oo Abaabuleysa Qorshe Cusub Oo Ay Aaron Ramsey Kaga Qaadanayso Kooxda Arsenal & Xiddig Juve Ka Tirsan Oo Dhinaca Gunners Usoo Wareegi Kara.

Kooxda Juventus ayaa u muuqata mid wax kasta u samaynaysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd saxeexa xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey oo u muuqda mid baxsad ka ah Emirates Stadium mudooyinkii ugu dambeeyay.

Ramsey ayaa haatan u ciyaaraya kooxdiis iyadoo mustaqbalkiisu uu ka baxsan yahay Emirates waxaana jira xiise ka imanaya kooxo dhawr ah oo ree Yurub ah, Real Madrid, Juventus, Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo Inter Milan ayaa dhammaantood lagu soo waramayaa inay xidhiidh la sameeyeen xiddigan oo xor noqon doona xagaaga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda uu xiddiga qudhiisu doonayaa ay tahay Juventus iyadoo horraantii toddobaadkan uu agaasimaha ciyaaraha kooxdaas ee  Fabio Paratici uu si rasmi ah u shaaciyay xiisahooda.

Jamaahiirta Arsenal ayaa dhawaan go’aankooda u cadeeyay tababaraha kooxda ee Unai Emery iyaga oo kulankii Fulham ku heesayay “ka saxeexa heshiis”.

Juventus ayaa haatan bilaabaysa qorshe cusub oo ay Gunners ugu bandhigayso saxeexa xiddigeeda Sami Khedira si ay heshiiska u dhammaystiraan bishan gudaheeda sida uu ku warramayo wargeyska CalcioMercato.

Khedira ayaa ah xiddig kusoo guuleystay Koobka Aduunka isaga oo sidoo kale koobab badan lasoo hantay Real Madrid iyo Juventus laakiin dabcan ma aha bedelka ugu fiican ee Aaron maadaama oo uu yahay 31 sano jir waana sababta ay jamaahiirta Gunners ee barta Twitter-ku ugu kala qayb sameen heshiiskan xiddigo is dhaafsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*