Thierry Henry & Cesc Fabregas Oo Dib U Midoobaya Madaam Heshiis Qarka Loo Saaran Yahay

Monaco ayaa heshiis kala gaartay Chelsea saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Spain Cesc Fabregas, sida ay sheegayaan wararka.

Jariirada Faransiiska ee L’Equipe ayaa sheegtay in laga wadahadal qandaraas labo sanno iyo bar ah uu saxiixayo xiddiga khadka dhexe kaasoo dib u la midoobi doonaa saaxiibkiisii hore ee Arsenal Thierry Henry.

Xiddiga khadka dhexe ee Spain ayaa kaliya ku soo bilowday hal kulan oo ka mid ah 20kii kulan ee Premier League ee ay ciyaarta Chelsea xilli ciyaareedkan, waxaana uu bedel ku soo galay afar jeer.

Fabregas ayaa lala xiriirinayay kooxo badan oo ku jiraan AC Milan, Valencia iyo Atletico Madrid, laakiin kooxda xigta ee uu ku biirayo weli ma cadda.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal iyo Barcelona ayaa u wareegay Stamford Bridge xagaagii 2014, waxaana uu dhalashadiisa 32aad u dabaaldegayaa bisha May ee sannadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*