Maxay Tahay Sababta Dhabta Ah Ee Ay Liverpool Uga Hadhay Heshiiska Christian Pulisic Fursadana U Siisay Chelsea Oo Ugu Dambayn La Saxeexatay.?

Chelsea ayaa goor dhawayd si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa xiddigii kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic kaas oo ay kula soo saxeexdeen aduun dhan 58 Milyan, Blues ayaa Pulisic dib u siin doonta Dortmund oo uu kusoo dhammaysan doono inta xilli ciyaareedka ka dhiman.

Heshiiskan ayaa mid weyn u noqonaya tababare Maurizio Sarri oo dhawaan muujiyay rabitaankiisa ah inuu doonayo saxeexa xiddig cusub oo garabka ka ciyaara.

Pulisic ayaa kaddib qabsoomida heshiiskiisa ka fal celiyay inuu ku biirayo Chelsea isaga oo sheegay inuu si adag u shaqayn doono si uu wax ugu kordhiyo kooxdooda ciyaartoyda heerka caalami ahi joogaan.

“Anigu waan xiiseeya Pulisic, Waxaan aqaanay ilaa markii uu caruurta ahaa, Isagu ma aha mid wali weyn da’ ahaan, Waa ciyaartoy cajiib ah waanu u qalmaa in dadku isaga si weyn uga fikiraan Ameerika gudaheeda” Ayuu yidhi Klopp oo mudo kahor ka hadlayay Pulisic.

Haddaba, Maxay tahay sababta ay kooxda Liverpool oo heshiiska xiddigan ree Maraykan mudo dheer daba socotay haatan uga hadhay inay la saxeexato iyadoo uu waliba kooxdeeda hoggaaminayo Jurgen Klopp oo ah shaqsi ay mudo dheer is garanayeen Christian?

Dean Jones oo ah shaqsi ka hawl galay Bleacher Report ayaa banaanka keenay in Jurgen uu fishay in Pulisic ay ku adkaan doonto inuu la qabsado Liverpool gaar ahaan tayada kooxda ee haatan.

Xaqiiqdii Klopp ayaa haatan dookhyo badan u haysta boosaska kooxda gaar ahaan safka weerarka ee uu xiddigani qaybta ka yahay, Gadaasha saddexleyda weerar ee Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah waxa ah Xherdan Shaqiri kaas oo si weyn isku muujinaya halka Chamberlain uu dhaawacii uu qabay kasoo kabanayo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*