XOG: Lixdan Isbadal Oo Uu Sameeyay Ole Gunnar Solskjaer Ayaa Man United Ka Caawisay In Ay Ka Soo Dhex Baxday Qashinkii Uu Jose Mourinho Dhex Dhigay.

Manchester United ayaa u muuqatay sidii markabkii Titanic oo badwaynta ku sii degayay, wuxuuna Jose Mourinho sameeyay wax walba oo uu awoodi warayay si uu u badbaadiyo laakiin markii uu ka cuslaaday miisaannkii dhinaca u ciiray ee United waxay ka fursan wayday in Mourinho shaqada laga caydhiyay.

Maamulka Manchester United ayaa kooxda si ku meel gaadh ah ugu dhiibay xidigoodii hore ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo soo dhawayn diirran ka helay ciyaartoydii uu Jose Mourinho colaada wayn soo kala dhex dhigay wuxuuna ku raaxaysanayaa guulo xidhiidh ah iyo bandhigyo fiican.

Haddaba maxay yihiin isbadalada uu Ole Gunnar Solskjaer  sameeyay ee sababa buuxda u noqday in rajadii Manchester United soo noolaatay isla markaana ay haddaba jamaahiirta Red Devils ugu raaxaysanayaan kubbada cagta ee ay hore ugu soo quusteen?.

Waxaa jira ilaa shan arimood oo saamayn buuxda ku yeeshay Manchester United kuwaas oo uu Ole Gunnar Solskjaer  inta badan sameeyay iyo kuwo kale oo la socday isbadalkii Mourinho ka danbeeyay. Halkan kaga bogo qodobada muhiimka ah ee isbadalka United keenay.

1-Isbadal Dhinaca Maskaxda Ah: Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa gabi ahaanba badalay qaab fikirkii iyo maskax guulaysigii ciyaartoyda Manchester United wuxuuna siiyay kalsooni ay ku dheehan tahay xoriyad iyo masuuliyad qaadasho ciyaartoyda ah.

Markii uu Mourinho joogay waxa ugu xun ee ciyaartoyda Manchester United ka luntay waxay ahayd maskax guulaysigii ay ku ciyaari lahaayeen iyo qaabkii ay u arkayeen xaalada kooxda balse hadda Ole Gunnar Solskjaer  waxa uu abuuray jawi maskax guulaysi fiican ah.

2-Isbadalka Dhinaca Tatikada: Markale Ole Gunnar Solskjaer  ayaa ku guulaystay in uu gabi ahaanba badalay tatikadii Jose Mourinho ee difaacashada cabsida badan ku dhisnayd wuxuuna ciyaartoyda kooxdiisa siiyay tatiko cusub oo ka caawisay in ay si niyad ah ugu ciyaaraan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa bilaabay in uu adeegsado shaxdii uu waqtiga dheer ku soo ciyaarayay Sir Alex Ferguson ee 4-4-2 oo ah afar difaac ah, afar khadka dhexe ah iyo laba weerar ah, waxayna waliba taasi sii dheer tahay in uu difaacyada midig iyo bidix siiyay fursad ay ku weerar tagi karaan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa Nemanja Matic iyo Ander Herrera u soo adeegsanayay in ay afarta difaac ah ilaaliyaan wuxuuna inta badan ciyaartoyda siiyay xoriyad ah dhaq dhaqaayo muhiim ah ugu samayn karaan ciyaarta dhexeeda.

Eeg 2 aad.


3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*