Wuxuu Soo Weeraray Mohamed Salah, Aniguna Waan Difaacayey – Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Isku-dhacii Ciyaaryahannada Liverpool iyo Arsenal

Difaaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa waxay isku dhaceen dhiggiisa Arsenal ee Sokratis kulankoodii Sabtidii, waqtigii loo baxayay nasashada.

Sokratis ayaa jidka u istaagay Mohamed Salah oo hadallo weerar ah ku ganay, waxaana halkaa ka dhacay buuq, iyadoo uu difaaca reer Netherland ee Virgil van Dijk si cadho leh uga hor yimid Sokratis oo ay kala dhex galeen shaqaalihii garoonku.

Ciyaartan ka dhacday Sabtidii garoonka Anfield oo Liverpool ay ku adkaatay 5-1, ayaa waxa Mohamed Salah uu dhaliyey rikoodhe ka hor intii aan loo bixin nasashada, laakiin Sokratis ayaa u arkayey in uu istuuray, waana sababta keentay inuu jidka usii istaago oo uu ku eedeeyo istuuris.

Haddaba, Virgil van Dijk ayaa ka hadlay wixii halkaa ka dhacay iyo sababtii keentay isku-dhaca, waxaanu tilmaamay in difaafa Arsenal uu qaab gardarro ah usoo weeraray Mohamed Salah oo uu isaguna difaacayey.

“Waxa aann arkay isaga oo u tegay Mo oo ku leh waad istuurtay. Wuu weeraray xoogaa, aniguna waxa aan doonayey inaan ku idhaahdo isma tuurin.” Sidaas ayuu yidhi Virgil van Dijk.

“Waxa aan difaacayaa ciyaaryahannada aanu isku kooxda nahay, waana mid caadi ah, waana sida ay tahay inuu qof kastaa uga falceliyo  marka ay tahay in dhamaanteen aynu samayno, aynu is-difaacno. Sidaas ayuun baan sameeyey.” Ayuu ku daray Virgil van Dijk.

Liverpool ayaa awood u yeelatay inay 5 gool ka dhaliso Arsenal, kuna sii jirto jawigeeda wanaagsan ee ah inaan hal mar laga adkaanin xili ciyaareedkan, waxaana ay Khamiista booqan doontaa Manchester City oo kaalinta labaad ku jira laakiin ay toddoba dhibcood ka sarrayso.

 


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*