WALWAL: Ka Hor Kulanka Etihad Stadium, Guardiola Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Xaalada Dhaawac Ee Xidig Kooxdiisa Muhiimad Wayn U Leh.

Kooxda Manchester City ayaa ka walwalsan dhawr arimood oo muhiim ah ka hor kulanka Etihad Stadium ee ay Liverpool soo dhawayn doonto wuxuuna Pep Guardiola walaac ka muujiyay xaalada taam ahaansho ee Kevin De Bruyne kaas oo dhibaato dhaawac la tacaalaya. Guardiola ayaa shaki galiyay haddii uu De Bruyne ciyaari karo kulanka Liverpool.

Kevin De Bruyne ayaan qayb ka ahayn kooxdii Manchester City ee u safartay Southampton wuxuuna ku seegay dhibaato dhinaca muruqa ah wuxuuna Guardiola xaqiijiyay in dhibaatada xidiga reer Belgium ayna ahayn mid wayb balse ay suurtogal tahay in aanu taam u noqon kulanka Liverpool.

Kadib markii uu muddo lix todobaad ah Kevin De Bruyne la maqnaa dhaawac jilibka ah waxa uu hadda la dhibtoonayaa dhaawac muruqa ah wuxuuna Guardiola sheegay in aanu xaaladiisa garanayn balse uu kulankii Southampton awoodi waayay in uu ku lug lahaado.

Guardiola ayaa sky sports oo wax ka waydiiyay xaalada Kevin De Bruyne waxa uu ugu jawaabay: “Anigu ma garanayo sida uu isagu yahay. Maanta (kulankii Southampton) muu awoodi karayn in uu ciyaaro, laakiin dhibaato wayn ma aha.”.

Guardiola oo ka sii hadlaya dhaawac De Bruyne ayaa yidhi: “waa iska caadi ah in ay tani dhacdo marka aad saddex ama afar bilood dhaawac ku soo qaadato. Waxaad soo laabanaysaa waqtigan dalabka badan isla markaana dhibaato yar ayaa ku haysanaysa”.

Guardiola ayaa ka hadlay haddii De Bruyne uu fursad u haysto in uu ciyaaro kulanka khamiista ee Liverpool kaas oo muhiimad wayn kooxdiisa u leh wuxuuna yidhi: “Dhibaato wayn ma aha, laakiin ma sheegi karo haddii uu isagu awoodi doono in uu ciyaaro khamiista”.

De Bruyne ayaa xili ciyaareedkan dhibaato badan ku soo dhex jiray isaga oo lix kulan oo premier league ah oo kaliya ka soo ciyaaray 20 kii kulan ee ilaa hadda la soo ciyaaray wuxuuna soo hdaliyay hal gool oo kaliya ee kulankii ay Crystal Palace guuldarada baday Man City.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*