Wali Tartanka Waanu Idinkula Jirnaa- Man City Oo Doonaysa In Kulanka Etihad Stadium Ay Liverpool U Soo Dhawaato Iyo Qorshaha Ay Reds Ka Leedahay.

Kooxda Manchester City ayaa xalay ka soo kabsatay labadii guuldaro ee xidhiidhka ahaa ee hore u soo gaadhay waxayna 3-1 ku soo garaacday Southampton si ay guul muhiim ah ugu dhamaysato sanadkan 2018 oo ay kooxdeedu taariikho badan soo diwaan galisay.

Laakiin markiiba dareenka Manchester City ayaa ku soo jeedsaday kulanka guusha ama geerida u ah ee ay Etihad Stadium ku soo dhawayn doonto kooxda 7 dhibcood ka saraysa ee Liverpool waana kulan loo arko mid qeexi kara halka uu u jeedsan doono tartanka koobka premier league.

Manchester City ayaa aaminsan in kulanka Liverpool yahay kan ugu adag ee xili ciyaareedkan baaqiga uga ah horyaalka Premier league, sidaa daraadeed, waxay doonayaan in ay ugu yaraan saddexdooda dhibcood ka reebtaan si ay 4 dhibcood ugu soo yareeyaan hogaanka Liverpool.

Pep Guardiola ayaa kadib kulankii Southampton saxaafada u sheegay in ay hadda Liverpool tahay kooxda aduunka ugu fiican isaga oo cadaynaya in kooxdiisa Manchester City shaqo badan u baahan doonto marka ay Etihad Stadium iskugu soo galaan kooxda Klopp ee Reds.

Liverpool waxay haysataa 54 dhibcood iyo 48 gool oo ay soo dhalisay kadib markii la ciyaaray 20 kulan halka Manchester city ay haysato 47 dhibcood iyo 54 gool oo ay ku soo dhalisay 20 kulan laakiin difaaca fiican ee Liverpool ayaa suurtogal ka dhigay in Reds ay 40 gool oo farqiga goolasha laga dhaliyay ah haysato halka Man City ay haysato 38 gool oo ah farqiga goolasha laga dhaliyay.

Laakiin waxaa bilaamaya ololaha ay labada kooxood ugu jiraan sidii ay guul ugu gaadhi lahaayeen kulanka Etihad Stadium kaas oo yeelan doona laba saamaynood oo waa wayn waana haddii ay labada kooxood midkood guulaysato.

Tusaale ahaan haddii ay Manchester City guulaysato waxay awoodi doontaa in ay Liverpool u soo jirsato 4 dhibcood waxayna noqon kartaa kooxdii ugu horaysay ee Liverpool guuldaro ku bada Premier league intii uu xili ciyaareedkani socday.

Laakiin haddii ay Liverpool guulaysato waxay la micno noqon doontaa in kooxda Reds ay 10 dhibcood oo buuro ah ku qaban doonto hogaanka premier league taas oo Mancheter City niyadjab wayn ku abuuri doonta, waana sababta ay Manchester City u dareemayso culayska ugu wayn ee ka badan inta ay Reds dareemayso.

Haddii ay barbaro galaan waxay Liverpool u ahaan doontaa mid kale oo muhiim ah waxayna sii joogtayn kartaa 7 dhibcood ee ay haddaba ka sarayso Manchester city waxaana la sugayaa kulanka xili ciyaareedka ugu wayn ee dhex mari doona labada kooxood ee dagaalka ugu wayni kaga dhexeeyo Premier league xili ciyaareedkan.

Miiska Kala Saraynta Premier league ee Kadib Kulamadii 20 aad ee La Ciyaaray.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa ku qasban in ay ku jirto heerkeedii ugu fiicnaa haddii ay doonayso in ay guuldaradii ugu horaysay bado Liverpool balse kooxda Klopp oo hadda ku ciyaaraysa kalsoonidii ugu waynayd ayaa isku dayi doonta in ay sidii xili ciyaareedkii hore ee kulamadii Champions league ay City saddexda dhibcood kaga soo qaadato Etihad Stadium.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*