Waa Laga Soo Gudbay Waqtigii Sawirada Cristiano Ronaldo Guriga La Sudhanayay-Kylian Mbappe Oo Sawiradii Ronaldo Iska Nadiifiyay.

Da’yarka kooxda PSG iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa hore buraha bulshada ugu soo bandhigay isaga oo dhex fadhya qolkiisa oo ay ka buuxaan sawirada Cristiano Ronaldo intii aanu noqon xidiga uu maanta yahay, laakiin sawiradii Ronaldo ee qolka Kylian Mbappe ayaa hadda noqday taariikh hore.

Kylian Mbappe ayaa markale soo bandhigay isaga oo badalay sawiradii Cristaino Ronaldo ee uu gidaarka qolkiisa ku sharaxday wuxuuna ku badashay sawiro kale oo xusuus gaar ah ku leh isla markaana muujinaya sida uu waqti kooban horumar aan la rumaysan karin ku sameeyay.

Kylian Mbappe ayaa bartiisa Instagram ku soo bandhigay qaabka uu u badalay sawiradii badnaa ee uu Cristiano Ronaldo lahaa ee uu qolkiisa ku sharixi jiray wuxuuna soo dhigay isaga oo badalay isla markaana soo dhigay sawiradiisa.

Kylian Mbappe ayaa qolkiisa ku sharaxay sawiradii uu kooxdiisa PSG ugula soo guulaystay koobka horyaalka Ligue 1 iyo waliba koobkii aduunka ee xulka qarankiisa France kaga soo caawiyay Russia.

Haddii uu shalay ahaa xidig hiigsanayay Cristiano Ronaldo iyo ciyaartoyda magaca wayn, waxa uu Kylian Mbappe muddo kooban ku noqday xidig isaga laftiisu ku qancay waxa uu gaadhay oo halkii uu ciyaartoy kale sawirkooda adeegsan jiray hadda kuwiisa ku badashay.

Kylian Mbappe ayaa ku soo guulaystay abaal marintii da’yarka aduunka ugu fiican ee Kopa Trophy oo markii ugu horaysay lala bixiyay abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna sidoo kale safka hore ka soo galay isla codibixintii xidiga aduunka ugu fiican.

Si kastaba ha ahaatee,Kylian Mbappe oo soo qaatay sanad xusuus wayn ku yeelan doona waayihiisa ciyaareed ayaa hadda ka mid noqday xidigaha kubbada cagta aduunka ugu fiican, waxayna taasi keentay in uu badalay sawiradii Ronaldo ee uu ku dhiiro galin jiray naftiisa maadaama uu hadda isku arko mid wax badan gaadhay.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*