Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Toddobaadka 21-aad, Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka Aan Waxba La Iskula Hadhi Doonin Ee Manchester City v Liverpool?

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Paul Merson ayaa sidii caadada u ahayd dhiibtay aragtidiisa natiijooyinka ay kusoo kala dhammaan doonaan kulamada horyaalka Premier League toddobaadkan oo ah midkiisii 21-aad.

Toddobaadkan ayaa ah mid cajiib ah isla markaana xiise gaar ah wata, Kooxaha xifaaltanka ugu weyni kasoo dhaxeeyay ee Liverpool iyo Manchester City ayaa isku arki doona gegida Etihad Stadium kulan natiijada kasoo baxdaa ay saamaynyteeda yeelan doonto.

Aan ku bilawnee kooxdii maalmo kahor guuldarada waji gabaxa ah la kulantay ee Tottenham ayaa booqan doonta Cardiff City , Merson ayaa aaminsan in kooxda Mauricio Pochettino ay guuleysan doonto isla markaana ay guuldaradaas kasoo kaban doonto.

Dhinaca kale, Khabiirka Sky Sports ayaa guushii afraad oo xidhiidh ah u saadaaliyay kooxda Manchester United iyo tababaraheeda KMG ah ee Ole Gunnar Solskjaer waxaana uu qabaa inay si fudud kusoo dhaafi doonto Newcastle United.

Merson ayaa si lamid ah kooxaha aan kor kusoo xusnay guul u rajeeyay kooxdiisii hore ee Arsenal oo dhawaan kusoo dhibtootay Anfield balse waxa uu filayaa inay tubta guulaha kusoo laabato kulanka Fulham.

Paul waxa uu guul u saadaaliyay Maurizio Sarri iyo Chelsea oo qaabilaya kooxda dhibaataysan ee Southampton waana guul haddii ay rumawdo kor usii qaadi doonta hammiga Chelsea.

Ugu dambayn, Kulanka ugu culus toddobaadkan iyo xilli ciyaareedka Premier League-ba ee Manchester City vs Liverpool ayaa ah mid uu Merson guul weyn u saadaaliyay Jurgen Klopp iyo wiilashiisa guuldaro la’aanta ah waxaana uu aaminsan yahay in dhibaatada Citizens ay halkeeda kasii socon doonto.

Halkan Kaga Boggo Saadaasha Merson Ee Toddobaadka 21-aad Oo Dhammaystiran:

Everton 1-0 Leicester City.

Cardiff 1-4 Tottenham

Bournemouth 2-2 Watford

Arsenal 3-1 Fulham

Huddersfield 1-0 Burnley

West Ham United 2-0 Brighton

Chelsea 3-0 Southampton

Wolves 2-2 Crystal Palace

Newcastle United 1-3 Manchester United.

Manchester City 1-3 Liverpool.

 

Adigu akhriste maku raacsantahay Mr Merson saadaashiisa toddobaadkan si gaar ahaaneed saadaasha uu ka dhiibtay kulanka miisaanka culus ee Manchester City soo dhawayn doonto Liverpool.


26 Fekradood

  1. Manchester city vs Liverpool ciyaartaas saadasheedu waa barbaro haddii kale Manchester city ayaa u dhow guul waxey ila tahey inay Liverpool guuldaro dhadhamin doonto

  2. Kulanka manchester city waxaan qabaa fikir ka duwan kiisa marka loo eego inay city ku ciyaaraso garoonkeeda lagana horeeyo 7 dhibcood inay tumi doonto liverpool natiijaduna waa 2:1

  3. Everton 1-0 Leicester City. 1-1

    Cardiff 1-4 Tottenham=. 0 – 3

    Bournemouth 2-2 Watford = 1 – 0

    Arsenal 3-1 Fulham = 2 – 0

    Huddersfield 1-0 Burnley = 1 – 1

    West Ham United 2-0 Brighton = 1 – 0

    Chelsea 3-0 Southampton = 4 – 1

    Wolves 2-2 Crystal Palace = 0 – 0

    Newcastle United 1-3 Manchester United. = 0 – 3

    Manchester City 1-3 Liverpool. = 2 – 1

  4. City 3-2 liverpool
    Iverton 1-2 lester city
    Newcastle united 1-4 M united
    Ghelsea 1-2 southampton
    Arsenal 2-2foulham

  5. Wr horta kulanka manc city vs Liverpool Wxa gul mihim ah Gadhi donta koxda citnez

    Chelsea vs south Hamtoump 3 :0

  6. Everton 1-0 Leicester City.(2-0)

    Cardiff 1-4 Tottenham (1-2)

    Bournemouth 2-2 Watford (3-2)

    Arsenal 3-1 Fulham (1-1)

    Huddersfield 1-0 Burnley (0-2)

    West Ham United 2-0 Brighton (1-2)

    Chelsea 3-0 Southampton (2-0)

    Wolves 2-2 Crystal Palace(2-1)

    Newcastle United 1-3 Manchester United.(1-1)

    Manchester City 1-3 Liverpool.(1-2)

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*