Manchester United Oo Go’aamisay Xilliga Ay Iibsanayaan Ciyaartoyga Ugu Horreeya Ee Kusoo Biiraya Sannadka Cusub Ee 2019

Guddoomiye ku-xigeenka kooxda Manchester United, Woodward ayaa go’aan ka gaadhay ciyaartoyga ugu horreeya ee kooxda iman doona isla marka uu furmo suuqa bisha January ee berri bilaabmaya.

Manchester United ayaa waxay dhiig cusub kusoo kordhin doontaa ciyaaryahannada sii joogay ee dib u karaar-qaatay markii shaqada laga caydhiyey Jose Mourinho, kuwaas oo dardar iyo guul kula bilowday tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer.

Woodward ayaa la sheegay inuu go’aan ku gaadhay in bartilmaameedka ay kooxaha badan isku haystaan ee De Ligt oo ka tirsan Ajax inuu noqdo laacibka ugu horreeya ee imanaya Old Trafford.

Manchester United ayaa u diyaarisay laacibkan da’da yar  £52 milyan oo Gini, laakiin waxa kale oo ay raadinayaa difaac tayo leh oo isaguna bisha January tayo cusub kusoo kordhiya.

Sannadihii ugu dambeeyey, Manchester United waxay samaysay saxeexyo waaweyn oo ay kusoo qaadatay ciyaartooyo qaali ah, waxaana uu De Ligt noqon doona markii ugu horreeyey sannadka cusub ee 2019 sida xoguhu sheegayaan.

 


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*