Khabiirka Ciyaaraha Garth Crook Oo Soo Xushay Kooxdii Ugu Fiicnayd Toddobaadka, Xiddigaha Ismuujiyey Ee Ka Dhex-muuqda, Laacibkii Man City U Jabtay Oo Ku Jira Iyo Sida Kooxuhu U Kala Heleen

Waxa soo dhamaaday toddobaadkii 20-aad ee horyaalka waddanka Ingiriiska Premier League oo weli hoggaanka laga furfuri kari la’yahay Liverpool oo aan weli guul-darro la kulmin, waxaase sare usoo ruqaansatay Manchester City oo kaalinta labaad soo gashay kaddib markii si lama filaan ah ay Tottenham ugu kuftay ciyaar khasaare kasoo gaadhay oo ay ku martigelisay naadiga yar ee Wolves.

Manchester United ayaa soo yaraysay farqiga dhibcaha ay ka hooseyso Arsenal oo kaalinta shanaad fadhida, isla markaana 5-1 guul-darro ah kala soo laabatay safar ay ugu tagtay Liverpool.

Chelsea oo afraad ku raaxaysanaysa ayaa guul dirqi ah ku heshay saddex dhibcood, waxaana ka yara baxsatay Gunners oo ay marka hore booska isku haysteen.

Haddaba, khabiirka BBC Sports ee Garth Crook ayaa soo saaray kooxdiisii toddobaadka, taas oo tirada ugu badan ay ku yeelatay Liverpool laakiin aanu ku jirin xiddigeeda Mohamed Salah oo gool rikoodhe ah ka  dhaliyey Arsenal mid kalena sameeyey, waxaase kasoo muuqda Virgil van Dijk, Georginio Wijnaldum iyo Roberto Firmino.

Goolhayaha kooxda Cardiff City ee Neil Etheridge ayaa sameeyey badbaadadii ugu badnayd usbuuca isaga oo kooxdiisa ka caawiyey inay 1-0 kaga adkaato Leicester City, waxaana uu kasbaday inuu kasoo muuqdo kooxda toddobaadka oo uu 19-ka goolhaye ee kale kaga rikoodh wanaagsanaaday bandhiggiisii guusha horseeday ee usbuuca 20-aad.

N’Golo Kante oo Chelsea u dhaliyey goolkii ay kaga guuleystay Crystal Palace ayaa khadka dhexe ee kooxda toddobaadka ku jira, waxaana wehelinaya Fernandinho oo Manchester City ay u riiqantay kulamadii uu dhaawaca ka ahaa, waxaase  si aanay cidina dafiri karin booskiisa u helay Paul  Pogba oo laba gool u dhaliyey Man United, mid kalena caawiye ka noqday.

Kooxda toddobaadka ee khabiirka BBC, Crook oo dhamaystiran waa sidan:

Goolhaye: Etheridge;

Difaac: Bamba, Boly, Van Dijk

Khadka dhexe: Wijnaldum, Kante, Pogba, Fernandinho, Camarasa

Weerarka: Firmino, Mitrovic.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*