ISBAR-BARDHIG: Paul Pogba Oo Noqday Ciyaartoygii Ugu Horreeyay Ee Man United Ah Ee Isbar-bardhig Ku Sameeya Tababarayasha Kala Dambeeyay Ee Jose Mourinho & Solskjaer.

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba oo kulamadii ugu dambeeyay wacdarro soo dhigayay ayaa isbar-bardhig ku sameeyay tababarayasha xilka kooxdiisa u kala dambeeyay ee Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer.

Paul ayaa aaminsan in kala duwanaashaha ugu weyn ee u dhaxeeya Jose iyo Ole uu yahay inay haatan ciyaarayaan hanaankii iyaga ku haboonaa, United ayaa haatan maraysa guusheedii saddexaad ee xidhiidh ah tan iyo bixitaankii Mourinho.

Red Devils waxa ay kulamadaas soo diiwaan gashadeen 12 gool iyaga oo si guud ahaaneed jamaahiirtooda ugu cajab galiyay ciyaar ku salaysan weerar iyo Xoriyad iyo in ciyaartoy kasta aragtidiisa ciyaaro.

Pogba oo isbar-bardhigaya falsafadaha kala duwan ayaa yidhi “Waa xaalad kala duwan, Kulamo ayaanu soo guuleysanay wakhtigii tababarihii hore, Laakiin waxa kaliya jira hab ciyaareed kala duwan iyo weerar badan”

“Waxaan odhan lahaa, Sidaas waxa aanu ku abuuraynaa fursado, Sidaasi waa sida aanu doonayno inaan u ciyaarno, Waxaan doonaynaa inaan weerartano taasina waa waxa aanu isku dayno inaan ku samayno garoonka dhexdiisa”

“Laga yaabaa inaan hada uun aqoonsanay inaan nahay Manchester United, Waxaan u baahanahay inaan sii wadno, Waxaan u baahanahay inaan noqono halka ugu sarreysa ee horyaalka, Falcelinta ciyaartoyda oo dhan ayaa ah in qofkasta ku raaxaysanayo naftiisa”

“Taasi waa waxa aan u baahanahay oo dhan, Qofkasta waxa uu u ciyaarayaa midka kale waxaanan helaynaa natiijada garoonka” Ayuu hadalkiisa kusoo af-meeray Paul Pogba.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*