Haddii Ay Burburto Riyadiisa Ah Inuu U Wareego Real Madrid, Kooxdee Ayuu Eden Hazard Uga Dhaqaaqi Doonaa Chelsea?

Xiddiga Chelsea ee Eden Hazard ayaa weli ka meeraysanaya inuu qalinka u qaato heshiis cusub oo uu u saxeexo kooxdiisa, isla markaana uu sannado badan oo kale ku sii sugnaado garoonka Stamford Bridge, taas beddelkeedana waxa hillaac uga  baxayaa dalka Spain gaar ahaan Real Madrid oo si weyn loola xidhiidhinayo.

Hazard ayaa hore u sheegay in aanu ku qasbi doonin kooxdiisa inay iibiyaan, laakiin qaabka uu u dhaqmayo ee ah in aanu cusboonaysiinaynin qandaraaska, ayaa waxay ku qasbi doontaa Blues inay iibiso ka hor inta aanu dhamaanin heshiiskiisu ee aanu si xor ah uga tegin.

Maalmo ka hor warbaahinta dalka Spain ayaa tebiyey in Hazard uu heshiis isfaham ah la gaadhay Real Madrid, laakiin ma jirto wax caddaynaysa oo ku saabsan warkaas, hase yeeshee, waxa burburi kara damaca Los Blancos ee xiddiga reer Belgium iyo isaga riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Bernabeu, haddii ay soo baxdo fursad lagu heli karo xiddigaha PSG ee Neymar iyo Mbappe oo ay Real Madrid ka doorbidi doonto.

Kooxda difaacanaysa Champions League ee Real Madrid ayaa waxay si dhow ula socotaa xaaladda PSG iyo baadhitaannada la tuhunsan yahay in UEFA ay ku samayn doonto, taas oo kellifi karta inay iibiso Neymar amaba Mbappe si ay uga baxsato ciqaab.

Haddii Neymar ama Mbappe ay kooxda reer France bannaanka keento si ay u iibiso, kooxa koowaad ee qasnaddeeda u jabinaysa ayaa lagu tilmaamay Real Madrid oo raadinaysa  beddelka Cristiano Ronaldo oo xagaagii ka degay Juventus.

Haddaba, maxaa dhici kara haddii Hazard ay ka burburto riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu?

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, Eden Hazard waxa uu ka degi doonaa PSG oo horeba ula soo samaysay xidhiidh.

Bishii November ee sannadkan, telefishanka beIN Sports, ayaa waxa uu sheegay in Hazard iyo PSG uu dhex maray xidhiidh, ayna ka wada hadleen sidii uu ugu biiri lahaa kooxda reer France.

Si kastaba ha ahaatee, lama filayo in Hazard uu meelna tago suuqa jiilaalka ee hadda furmay, waxaase la eegi doonaa xagaaga inuu qaato go’aan uu kusoo gunaanadayo waayihiisa Chelsea.

 


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*