Goormuu Furmayaa Suuqa Bisha January? Iyo Liiska Ciyaartoyda Haddaba La Filayo In Suuqa Bisha January Lagula Kala Wareegi Doono.

Kooxaha Yurub ayaa isku diyaarinaya in ay ka adeegtaan suuqa bisha January ee waqtiga qaboobaha markaas oo ay koox kastaaba isku daydo in ay samayso saxiixyo ay kooxdeeda ku soo xoojiso. Suuqa bisha january waxa uu kooxaha siiyaa fursada ay ku soo buuxin karaan meelo ay ka liiteen shantii bilood ee xili ciyaareedku soo socday.

Koox kasta oo ka dhisan horyaalada yurub ugu waa wayn waxay haysataa fursad ay kooxdeeda ugu soo xoojin karto ciyaartoy muhiim ah waxaana haddaba jira ciyaartoy ilaa 20 gaadhaya oo suuqa kala iibsiga laga heli karo kuwaas oo waliba qaar badan oo ka mid  ahi ay u muuqdaan kuwo haddaba lug kala baxay kooxaha ay hadda ka tirsan yihiin.

Haddaba goormuu furmayaa suuqa kala iibsiga ee bisha January? waqtiga uu xidhmi doono iyo waliba waqtiga ay ciyaartoyda ugu horaysa ee lala wareegaa u safan karaan kooxaha la soo wareegi doona ayaad halkan kaga bogan kartaa.

Waqtiga uu furmayo Suuqa Kala iibsiga premier league:  Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda premier league ayaa furmi doona caawa saqda dhexe marka ay saacada London tahay 12:01 ee January 2019 waana waqti ku beegan 3:01 niska danbe ee caawa ee saacada Geeska Afrika.

Waqtiga uu xidhmi doono Suuqa Premier league: Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda premier league ee bisha january ayaa xidhmi doona khamiista January 31. Ilaa saacada 11:00 habeenimo ee khamiista january 31, 2019 ayay kooxuhu sii samayn karaan saxiixyo cusub.

Goormay Ciyaartoyda Suuqa January kulamadooda ugu horeeya ciyaari karaan? Waxaa la ansixiyay sharci sheegaya in ciyaartoyda lala kala wareego bilawga suuqa january ayna kooxahooda cusub ee premier league u ciyaari karin inta u dhexaysa January 1 ilaa January 3,2019.

Ka waran suuqyada Yurub ee Bisha January? Horyaalada Ligue 1 iyo Bunesliga ee dalalka France iyo Germany ayaa la sharci ah horyaalka England ee Premier league ee aan soo sharaxnay qodobadiisa ugu muhiimsan.

Horyaalka Spain ee La liga waxa uu suuqa bisha January furmi doonaa January 2,2019 isaga oo maalin ka danbayn doona horyaalada Premier league, Ligue 1 iyo Bundesliga.Horyaalka Talyaaniga Serie ayaa isna furi doono maalinta January 3,2019 wuxuuna xidhmi doonaa january 18.

Liiska 20 ka Ciyaartoy Ee Inta ugu Badan Looga hadlayo wararka suuqa Kala Iibsiga ee Lala Kala wareegi karo.

1-Aaron Ramsey ⇒ Bayern Munich/Juventus/Liverpool

2-Christian Pulisic  Chelsea/Liverpool

3-Danny Drinkwater  Fulham

4-Frenkie De Jong  Manchester City/Barcelona

5-Harry Maguire  Manchester United

6-Andreas Pereira  Arsenal

7-Anthony Martial  Inter Milan

8-Ruben Neves  Man City

9-Alexis Sanchez  PSG

10-Paul Pogba  Barcelona

11-Nabil Fekir  Chelsea/Real Madrid

12-Romelu Lukaku  Juventus

13-Toby Alderweireld  Man United

14-Jack Grealish Tottenham

15-Marko Arnautovic Man United/Chelsea

16-Callum Wilson Chelsea

17-Jadon Sancho Arsenal/Barcelona/Real Madrid

18-Lorenzo Insigne Liverpool

19-Matthijs de Ligt   Juventus

20-Adrien Rabiot Barcelona


2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*