FARRIIN: Pep Guardiola Oo Aan Waxba Ka Qarin Xiddigaha Kooxdiisa & Farriin Kama Dambays Ah Oo Uu U Diray Kahor Kulanka Xasaasiga Ah Ee Liverpool.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola oo shalay kooxdiisa kusoo celiyay wadada guulaha kaddib toddobaadyo ay dhibtootay ayaa haatan farriin u muuqata midii ugu dambaysay hawada u mariyay xiddigaha kooxdiisa kahor kulanka muhiimka ah ee Liverpool.

Man City ayaa Khamiista qaabili doonta kooxda hoggaanka horyaalka gacanta ku heysa ee Liverpool iyaga oo toddoba dhibcood ka hooseeya isla markaana ka war qaba in dhibaato kale oo soo gaadha ay wax badan qasi doonto.

Pep ayaa farriinta xiddigaha kooxdiisa u diray kahor kulanka Liverpool ay tahay in gabi ahaanba uu tartanka horyaalku dhammaan doono haddii ay wax dhibco ah lumiyaan isaga oo dhinaca kale xiddigihiisa u sheegay inay tixraac ka dhigtaan xilli ciyaareedkii hore.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa yidhi “Waanu ogayn booska Liverpool iyo in haddii aanu dhibco lumino uu dhamaan doono tartanku, Waxay noqon doontaa waxaan macquul ahayn (Haddii aanu dhibco lumino), Dabcan way lumin doonaan dhibco laakiin ma badna”

“Haddii aad doonaysaan inaan tartanka ku jirno inta ugu badan eee ugu macquulsan ilaa dhammaadka, Waa inaan xasuusanaa wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore”

“Waxaaanu guuleysanay kulamo badan laakiin nasiib darro waxaanu luminay  laba kulan anaga oo haysana koox nala tartamaysa oo ah mida haatan ugu fiican Yurub amaba dunida, Taasi waa sababta uu loolan noogu yahay kulanka Khamiistu”

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa si layaab leh uga faa’idaysatay khasaare is xigay oo soo gaadhay Manchester City kulamadii ugu dambeeyay waxaana ay Etihad tegi doonaan iyaga oo haysta faa’ido toddoba dhibcood ah.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*