FA-ga Dalka England Oo War Kasoo Saaray Xukunka Falkii Uu Sadio Mane Kula Kacay Stephan Lichtsteiner Ciyaartii Arsenal, Miyaa Laga Ganaaxay Kulanka Manchester City?

FA-ga dalka England ayaa go’aan rasmi ah ka qaatay waxa ay ka yeelayaan xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane oo fal anshax xumo ah kula kacay daafaca Arsenal ee Stephan Lichtsteiner intii ay socotay ciyaartii ay Reds guusha weyn ka gaadheen Gunners.

Mane ayaa u muuqday mid qaaday talaabo qaldan isla markaana gacmahiisa ku wareejiyay qoorta daafaca ree Switzerland intuu lagu gudo jiray kulankii Sabtidii.

Garsoorihii kulankaas oo ahaa Michael Oliver ayaa si toos ah u arkayay markii falkani ka dhacay garoonka oo ahayd kaliya 7 daqiiqo kaddib bilawga ciyaarta waxaana uu qalad u dhigay Arsenal isaga oo aan wax kaadh ah siinin Sadio.

Haddaba, Xidhiidhka FA-ga England ayaa go’aansaday inaysan wax talaabo ah ka qaadin xiddiga ree Senegal isla markaana uu ka qayb qaato ciyaaraha soo socda.

What Lichtsteiner did to Mane moments before he throttled him

Warkan ayaaah mid u wanaagsan dhagaha tababare Jurgen Klopp iyo jamaahiirta Liverpool maadaama ay kulanka ugu muhiimsan xilli ciyaareedkooda booqan doonaan Manchester City habeenimada Khamiista.

Liverpool ayaa haatan hoggaanka horyaalka ku haysa toddoba dhibcood, Guul ay soo gaadhaan kulanka ka dhacaya Etihad Stadium ayay boos u fiican ugu fadhiisan doonaan hanashada horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Tababare Pep Guardiola ayaa kaddib kulankii ay guusha ka gaadheen Southampton sheegay in kulanka Khamiista amaba ay garaaci doonaan Liverpool si ay rajadu usoo laabato haddii kale uu tartanka horyaalku dhammaan doono.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*