Da’yarka Manchester City Ee Brahim Diaz Oo Qalbiga Gashaday Ku Biirista Real Madrid & Lambarka Maaliyada Uu Kooxda Ka Dalbaday Oo La Ogaaday.

Waxay u muuqataa in waxa kaliya ee ka dhiman heshiiska uu Brahim Diaz ku tagayo Real Madrid ay kaliya ka dhiman tahay in si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo wakhtiga sida rasmiga ah loogu soo bandhigi doono ka ciyaartoy Madrid ah ahaan.

Heshiiska xiddigan ee Manchester City ayaa ah mid ku eeg ilaa 30-ka june ee 2019, Ilaa wakhtigaas waxa uu joogi doonaa England laakiin waxa uu u muuqdaa mid maskaxdiisu haatanba joogto Spain walow uu xataa wakhtiga ciida gaalada tababarka ku qaadanayay Manchester.

Dhinaca kale, Madrid ayaa diyaar u ah in isla marka uu yimaado ay si deg deg ahugu darto safka kooxda waaweyn, Ma jiri doonaan wax amaah ah oo lagu diro iyo waliba in lagu daro kooxda da’yarta ee Castilla balse waxa safka waaweyn loo isticmaali doonaa ilaa maalintiisa koowaad ee kooxda.

Ma ahan wax sahlan, Balse xiddigan ayaa lagu soo warramayaa inuu doortay in laga dheelsiiyo garabka bidix halkaas oo uu u arko meel uu usoo adeegsan karo lugtiisa midig.

Dhinaca kale, Brahim ayaa u baahan doona wakhti uu la qabsi ku sameeyo, Ma ahan ciyaarta jidh ahaaneed ee dalka Spain balse deegaanka kooxda, Waxa uu u baahan doonaa inuu helo ciyaartiisa joogtada ah.

Xilli laga warqabo inta badan ee heshiiska uu Diaz ku imanayo Real Madrid haddana waxa jira dhinaco aan la hubinoo uu kamid yahay lambarka uu xidhan doono.

Waxa haatan kooxda ka banaan maaliyadaha 16-aad iyo 21-aad balse xiddiga ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo lambarka dambe.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*