Daafaca Ree France Ee Samuel Umtiti Oo Kusoo Laabtay Magaalada Barcelona & Haddii Uu Wax Fursad Ah U Haysto Inuu Tababarka Kala Qayb Galo Xiddigaha Kooxdiisa.

Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka qaranka France ee Samuel Umtiti ayaa kusoo laabtay magaalada Barcelona kaddib markii uu toddobaadyo dhawr ah kusoo qaatay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Umtiti ayaa wakhti kusoo qaatay Doha halkaas oo uu kula tacaalayay isla markaana ay daaweyni ugu socotay si looga caawiyo kasoo kabashada dhaawaca jilibka uu ka qabo ee ah midka qasay xilli ciyaareedkiisa ilaa haatan.

Umtiti ayaa ah mid ilaa haatan diidaya inuu maro wax qaliin ah si loo daaweeyo waana go’aanka ay kooxdu qaadatay isla markaana ay doonayso in la mariyo.

Xiddigan kusoo guuleystay tartankii Koobka Aduunka ayaa haatan ku sugan  Ciudad Deportiva del Barcelona ee Sant Joan Despí si uu uga shaqeeyo oo uu ugu dadaalo soo kabashadiisa laakiin tababarka buuxa kulama uusan soo laaban wali xiddigaha kale ee ay koox wadaaga yihiin.

Sababta dhibaatada dhaawac ee uu qabo awgeeda, Barcelona ayaa lasoo saxeexatay daafacii Valencia ee Jeison Murillo inta ka dhiman xilli ciyaareedka si ay ilaalo dheeraad ah ugu sameyso daafaceeda dhexe.

Sergi Roberto iyo Malcom ayaa si buuxda ugu sool laabtay tababarka kooxdooda iyadoo xiddigaha kale ee da’yarta Barca B ee kala ah Miranda, Chumi, Wague, Oriol Busquets, Riqui Puig iyo Collado ay la tababarteen kooxda koowaad.

Ugu dambayn, Xiddigaha kala ah Arthur, Luis Suárez, Messi, Malcom, Munir iyo Arturo Vidal ayaa tababarka kooxda kusoo laaban doona 2-da January ee sanadka cusub.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*