CAJIIB: Yaa Kusoo Baxay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Manchester City & Liverpool? Yaase Xiddigaha Badan Ku Yeeshay Kahor Kulanka Saamaynta Xoogan Yeelan Doona Ee Salaasada?

Manchester City ayaa marti gelin doonta dhigeeda Liverpool habeenimada Khamiista kulan la filayo inuu saamayn xoogan ku yeesho tartanka hanashada horyaalka ee xilli ciyaareedkan 2018-2019.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa xilli horeba qirtay in difaacashadooda horyaalku ay xilli horeba dhammaan doonto haddii ay dhibco ku lumiyaan kulanka ay Reds soo dhawaynayaan.

Haddaba, Kahor kulankaas muhiimada weyn u leh labada dhinacba, Press Association Sport ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood, Xiddigaha kusoo baxaya iyo kooxda ku badanaysa.

Goolhayaha:

Alisson ayaa booska goolhayaha ku garaacay xiddiga ay xulka Brazil kawada tirsan yihiin ee Ederson Moraes iyadoo lagu saleeyay xogtooda xilli ciyaareedkan, Alisson ayaa kaliya laga dhaliyay siddeed gool isaga oo si weyn ula qabsaday ciyaarta England, Ederson qudhiisa ayaan goolal aad u badan qaabilin balse waxa ka xog wanaagsan xiddiga 66-ka Milyan ku jooga Reds.

Daafaca:

Waxa shaki la’aan iyo muran la’aanba daafaca kusoo baxay Virgil Van Dijk oo ah kala duwanaanshaha Liverpool ee xilli ciyaareedyadii hore iyo midka haatan, Waxa daafaca dhexe kula midaysan Aymeric Laporte oo lama taabtaan ka noqday Citizens xilli ciyaareedkan.

Garabka bidix ayuu kasoo muuqday Andrew Robertson oo kasoo hor maray Benjamin Mendy oo qaab cajiib ah ku socdab balse dhaawac la hadhay iyo waliba Zinchenko oo aan wakhti badan ciyaarin.

Daafaca midig ayaa loo doortay Kyle Walker oo laga door biday da’yarka ay xulka England kawada tirsan yihiin ee Trent Alexander Arnold iyadoo lagu saleeyay khibradiisa ciyaareed maadaama labada shaqsiba aysan bandhigyo xumayn xilli ciyaareedkan.

Khadka Dhexe:

Laga yaabaa inuu yahay booska ugu adag ee loo kala xulanayo labada dhinac laakiin Manchester City ayaa awood ku muquunisay Liverpool, Fernandinho ayaa kasoo hor maray Wijnaldum iyo Fabinho, Raheem Sterling ayaa boos ka helay xilli sidoo kale ay Press Association Sport soo xusheen De Bruyne oo walow uu dhaawac ku maqnaa haddana ay ku sifeeyeen mid shax laba kooxood dhaafe shaxda dunida boos ka heli lahaa.

Khadka Weerarka:

Waxa laga yaabaa inaad si deg deg ah uga fikirto Sergio Aguero laakiin gool dhaliyaha ugu sarreeya ee Manchester City ayaa boos waawey waxaana markooda weerarka loo wada xushay saddexleyda Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah.

Saddexleydii Firmino ee kulankii Arsenal ayaa ahaa goolashii ugu horreeyay ee horyaalka ah ee uu ku dhaliyo xilli ciyaareedkan Anfield laakiin shaqadiisa guud ayaa ahayd mid cajiib ah.

Dhinaca kale shaki kuma jiro Mohamed Salah oo 13 gool la wadaaga gool dhaliyayasha ugu sareeya horyaalka halka Mane uu 9 gool soo dhaliyay.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*